Farmaajo: “Waxaan naga go’an in aan raali gelino cid kasta oo mudan”

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu si rasmi ah u furay kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee waddanka.

Farmaajo ayaa munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen marti sharaf kala duwan wuxuu ka jeediyay khubad uu diiradda ku saarey xaaladda guud ee waddanka, gaar ahaan siyaasadda iyo amniga.

Ugu horeyn, wuxuu shaaciyey in amniga ay wax ka qabteen, wallow uu qiray in ay shaqo badan u harsan tahay.

Dhaqaalaha ayuu ku faanay in ay sarre u qaadeen, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in waddanka laga cafiyo deynta.

Siyaasadda arrimaha dibadda ayuu xusay in ay ku dhisan tahay soo celinta sharafta Soomaaliya ay ku lahayd dibadda.

Dib u heshiisiinta ayuu ku nuux-nuux saday in ay karaar-siin doono, isla markaana ay cid walba oo diyaar u wada hadal la fariisan doonan.

“Waxaan naga go’an in aan raali gelino cid kasta oo mudan,” ayuu hadalkiisa kusii dara madaxweynaha.

Ugu dambeyntii, wuxuu carabka ku adkeeyay in aysan gorgortan ka geli doonin midnimadda, wadajirka, xuduudaha badda iyo cirka ee Soomaaliyeed, wuxuuna adkeeyay in ay difaaceyso dowladiisa.