Farqiga u dhaxeeya dabaaldegyada sannadadii hore iyo sannadkan 2021-ka

Malaayiin adduunka ku nool oo sannadka 2020-ka soo arkay dhibaatada uu horseeday fayraska corona ayaa waxay u dabaal degayaan bilowga sannadka 2021-ka inkastoo xitaa dabaaldegyada ay ka duwan yihiin kuwii sannadadii hore sabao la xirira fayraska oo waxay danta ku khasabtay in ay guryahooda ku daamaashaadaan oo ay sannadka cusub ku soo dhaweeyaan.

Inkastoo ay jiraan dadka qaar oo kaqeybgalay xafladaha ama ciidaha iyagoo wajiyada soo duubtay ama sameynaya taxaddarro kale.

Magaalada Tokyo ee hoose, dadku waxay booqdeen goobta cibaadad ee Kanda Myojin si ay ugu soo duceystaan inkastoo la dhimay tirada dadka ku duceysnaya.

Wearing masks, people in Tokyo visit the Shinto Kanda Myojin Shrine to mark the new year

Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo magaaladii uu fayraska corona ka soo bilowday ayaa waxaa isugu soo uruuray dadweyne badan iyagoo sita buufino iyo dharka dabaal-degga, waxayna tirinayeen saacadaha ka harsan saqda dhexe oo ah xilliga kala wareegga si ay usoo dhaweeyaan sannadka cusub.

Wuhan is thought to be where the coronavirus originated

Taiwan si loo dhaweeyo sannadka cusub waxaa hawada sare loo diray bululeero inkastoo magaalooyin badan laga mamnuucay dabaaldegyada tooska ah waxayna taasi horseedday iney door-bidaan in dhanka online-ka ay ku soo dhaweeyaan sannadka 2021-ka.

Fireworks in Taiwan

Sida qoyskan oo kale oo ku sugan Kuuriyada Konfureed ayay qoysas badan oo kale oo ku sugan dunida daafeheeda ugu dabaal dageen hab ka duwan sidii hore iyagoo ku sugan guryahooda.

One family in Seoul lit a candle and shared a cake to start 2021

Halka Philippine-na ay kooxo yar-yar isugu soo baxeen jardiin ku yaalla magaalada Manila si ay u daawadaan dabaaldegga. Maamullada ayaa dadka ku boorriyay ineysan isugu imaan hal meel.

People gather in Manila to watch a fireworks display from a park

Gudaha Hong Kong, kooxo ayaa isugu soo baxay Victoria Harbor horteeda si ay si wada jir ah ugu dabaal degaan.

Women celebrate New Year's Eve with light-up bunny ears and festive lights

Magaalada Yekaterinburg ee Ruushka ayaa sidoo kale laga dabaal-degay, iyadoo dad aan sidaa u badanayn ay isu soo baxaeen.

Small groups gathered in the main square in Yekaterinburg, Russia

Sawirka hoose waa Isu tagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan xarunta Ras al-Khaimah.

A huge firework display started 2021 in Ras al-Khaimah, in United Arab Emirates

Sawirkaana waa Dubai gaar ahaan dhismaha ugu dheer adduunka ee Burj Khalifa.

Fireworks at the Burj Khalifa, Dubai

leeyrar iyo baaruud oo lagu soo dhaweynayo sannadka cusub ayaa hawada sare, qeybo ka mid ah magaaalada London ee Ingiriiska.

Fireworks and drones illuminate the sky in London