Feeryahanka caanka ah Floyd Mayweather oo ballanqaaday lacagta aaska George Floyd

Feeryahanka caanka ah Floyd Mayweather ee u dhashay dalka Mareykanka ayaa ballanqaaday lacagta ku baxaysao aaska George Floyd, sida ay xaqiijisay shirkaddiisa.

Mayweather ayaa wargayska Hollywood Unlocked u sheegay inuu la xiriiray qoyska Floyd si uu taageero ugu muujiyo.

Mayweather ayaa barta twitter-ka fariintaas ku shaaciyay isaga oo sheegay inay ka go’antahay inuu bixiyo lacagta aaska George Floyd.

Leonard Ellerbe, madaxa dhanka xayeysiinta ee shirkadda Mayweather ayaa ESPN ku yiri “ haa xaqiiqdii Mayweather wey ka go’antahay inuu bixiyo kharashka ku baxaayo duugta.”

Wuxuu sidoo kale ku daray in qoyska uu aqbalay codsiga Mayweather.

Feeryahankan haystay biladda horyaalka adduunka ayaa laba sano ka hor ka fariistay ciyaaraha, balse waxa dib ayuu ciyaaraha ugu soo laabtay si uu ula dheelo xidigga reer Ireland.

Mayweather oo ah 40-jir ayaa waxa uu feerkaasi ka helay ugu yaraan 100 milyan oo doolar halka McGregor la siiyay 30 milyan oo doolar.