Gabadha filimka Netflix kusoo caan baxday ee lama filaanka la kulantay

Maitreyi Ramakrishnan waxay qiratay inay isbaddallo badan ku sameysay nolosheeda si ay waxyaabo badan uga badbaaddo.

Gabadhan 18 jirka ah waxay mar qura kusoo caan baxday filimka musalsalka ah ee ay sameysay shirkadda Netflix, Never Have I Ever, kaasoo ay ka ahayd atariishada hogaamineysa. Filimka shactirada ah oo diiradda lagu saaray nolosha dhalinyarada ayey kasoo hoyisay guulo badan.

Waxaa lagu tilmaamay inay rajo iyo ku dayasho u tahay dhalinyarada Hindiya ee heysta dhalashooyinka qaaradda Ameerika, musalsalkeedana wuxuu helay daawasho aad u badan. Wuxuu filimkan ka mid noqday musalsalladii ugu daawashada badnaa sanadkan 2020-ka.

Laakiin markii ay Ramakrishnan BBC-da uga warrameysay dadaallada ay sameyso, waxay shaaca ka qaadday in markii ay caan noqotay ay la kulantay wax gabi ahaanba lama filaan ah.

“Waan u diyaar garoobay shaqada jilitaanka inaan sii wado iyo waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin wareysiyada aan siiyo warbaahinta. Hal arrin oo aanan u diyaar garoobin gabi ahaanba waa nacaybka aan la kulmay,” ayey tidhi.

Maitreyi Ramakrishnan
Qoraalka sawirka,Atariishada Ramakrishnan waxay sheegtay in hanjabaado dil ah loogu soo gudbiyay baraha bulshada

Nacaybka waa wax ay Ramakrishnan ku tilmaantay dhibaatada Baraha Bulshada.

“Waan ogaa inay sidaas dhici karto, sababtoo ah dunida aan ku nool nahay ayaaba sidaas iska ah.”

“Qof ayaa qoraal foolxun kuu soo diraya, ama hanjabaad dil ah… laakiin marka ay si run ah kuugu dhacdo way ka duwan tahay sida aad horay u aaminsaneyd.”

Atariishadan heysata dhalashada waddanka Canada ayaa sheegtay inay go’aansatay inay muddo ka maqnaato ciwaannadeeda baraha bulshada kaddib markii loo soo diray farriimo aad u badan oo nacayb iyo aflagaaddo ah.

“Waxaan xaqiijiyaa in ciwaannadeyda baraha bulshada oo dhan aan anigu u isticmaalo si shakhsi ah, si markaas aan ula socdo waxa dhacaya, wax kasta oo lagu soo qorana ay u ahaadaan wax toos aniga iiga yimid,” ayey tiri.

“Laakiin mararka qaar waan ka fogaadaa.”

‘Inta badan haweenka da’da yar waa lagu dhibaateeyaa internet-ka’

Nasiib darro, Ramakrishnan kaligeed ma aha dadka lagu dhibaateeyo dhinaca baraha bulshada, sidaas darteed waxay wakiil u noqortay hay’ad u doodda xuquuqda haweenka.

Waxay gacan ka geysataa wacyigalin badan oo loo sameeyo dhalinyarada.

In ka badan 14,000 oo isugu jira gabdho iyo haween da’ yar, oo ay da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 20, kana soo kala jeea 20 waddan oo kala duwan, ayaa ka hadlay inay dhibaato noocaas ah kula kulmaan online-ka, sida lagu muujiyay daraasad dhawaan lasoo saaray.

Natiijadan, oo ku soo aadday xilli ay Qaramada Midoobay xuseyso Maalinta Gabdhaha yar yar (oo ku beegan 11 October) ayaa laga muujiyay walaac.

In ka badan kala badh ka mid ah dadkii la wareystay (58%) ayaa sheegay inay xanuun kala kulmeen dhibaatada loogu geystay baraha bulshada ee kala duwan.

Sideed gabdhood oo ka mid ah tobankii gabdhoodba waxay sheegeen inay tacaddiyo badan la kulmeen, kuwaasoo isugu jira handadaad, aflagaaddo, cunsuriyad iyo in loogu hanjabay kufsi.

“Arrintan ma fiicna,” ayey tidhi Ramakrishnan.

Gabadh u doodda xuquuqda oo la kulantay weerar jinsi nacayb ah iyo janjabaado

Nadiuska seen typing at a computer
Qoraalka sawirka,Nadiuska waxay tacaddi kula kulantay Baraha Bulshada

Xaalad taas la mid ah waxaa la kulantay Nadiuska, oo ah 19 u doodda xuquuqda haweenka.

Gabadhan u dhalatay waddanka Nicaragua ayaa ka qeyb qaadatay daraasadda lagu ogaanayay tacaddiyada ay la kulmaan gabdhaha.

Waxay sheegtay in iyada lafteeda ay heshay in ku filan oo tacaddi ah markii ay waddankeeda ku nooleyd.

Xitaa markii ay sanadkii lasoo dhaafay Spain uga qeyb gashay shir looga hadlayay isbaddalka cimilada, waxay la kulantay hanjabaado dil ah oo loogu soo gudbiyay ciwaannada ay ku leedahay baraha bulshada.

“Waxaan helay farriimo la iigu muujinayay jinsi nacayb, kuwaasoo uu ii soo diray qof ii sheegay inuu awoodi karo inuu i garaaco,” ayey tiri.

“Waan cabsaday. Amni ma dareemo marka aan internet-ka isticmaalayo.”

Nadiuska waxay sheegtay in farriimaha isdaba joogga ah ee lagu waxyeelleynayay ay u horseedeen xanuunno dhinaca dhimirka ah, sidaas darteedna ay u baahatay caawinaad niyad dhis ah. In muddo ah ayey qaadaneysay talooyin ku saabsan sidii ay maskaxdeeda u dagi lahayd.

‘Sawirro badan oo anshax xumo ah’

Dadka ku cusub isticmaalka baraha bulshada waxaa loo nitad jabin karaa si deg deg ah, sida ay sheegtay Cathy oo ah gabar 20 jir ah oo u dhalatay waddanka Uganda.

Waxay isticmaalka internet-ka billowday saddex sano ka hor. Cathy waxay u aragtaa isticmaalka baraha bulshada mashquul looga nasto shaqooyinka adag maadaama ay toleysay harqaan ay kasoo saareysay dhaqaale ay ku caawiso hooyadeed, walaasheed iyo walaalkeed.

Laakiin waxay khubarada daraasadda sameyneysay u sheegtay in ismarkii ay Facebook furatayba loo soo diray sawirro aad u badan oo dad qaawan ah, kuwaasoo uu usoo diray nin ay ku baratahay internet-ka.

“Nin ayaa ii soo diray farriin salaan ah, kaddib salaantii ayaan ka qaaday. Wuxuu ii soo qoray, ‘sidee tahay?’, waan u jawaabay,” ayey tidhi Cathy.

“Laakiin maalintii xigtay markii aan hurdada kasoo kacay waxaan arkay sawirro layaab leh.”

“Wuxuu ii soo diray sawirradiisa oo qaawan. Waan naxay. Qalbi-jab ayey igu noqotay arrintaas,” ayey sii raacisay hadalkeeda.

Sheekooyinka la midka ah midda ay la kulantay Cathy ma aha wax cusub.

Ku dhawaad 40% ka mid ah gabdhaha iyo haweenka lagu wareystay daraasadda waxay xaqiijiyeen inay baraha bulshada ku wajaheen weerarro tacaddi dhinaca jinsiga ah.

Shirkadaha baraha bulshada qaarkood ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin wax looga qabanayo tacaddiyada online-ka lagu geysto.

Facebook, oo sidoo kale iska leh baraha Instagram iyo WhatsApp, ayaa sheegtay in ay tiknoolojiyadda casriga ah u adeegsan doonto yareynta dhibaatooyinka noocaas ah.