GEESIYAAL NAFTOODA HURAY IYO KUWA GUNNIMO DOORTAY .sida waxa yiri…

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa dhaliil ujeediyey ciidamada gor gor ee kusugan Muqdisho.

Isbar bar dhig ayuu ku sameeyey Ciidanka Xoogga dalka Ee furimaha dagaal Ee Dhuuso mareeb ilaa ceel buur jidka udhaxeeya Shabaab ka xoreenaya.

GEESIYAAL NAFTOODA HURAY IYO KUWA GUNNIMO DOORTAY

Sawirka 1aad waa ciidanka Qaybta 21-aad, waxay ku suganyihiin jiida hore dagaalka ee deegaanka Sinadhaqo ee Koonfurta magaalada Dhuusamareeb. Shabaab ayay maalmo kahor fooda isdareen guulo aad u weyn ayayna ka soo hooyeen. Inkastoo dayac fara badan muuqdo hadana waa geesiyaal isku kalsoon, dadka iyo deegaanka ay ku abtirsadaana u diiday gumeysi iyo gunnimo in ay ku noolaadaan.

Sawirka 2aad waa ciidanka Gorgor ee Turkidu tababareen ee asbuucyo kahor Farmaajo ku xiray isgoysyada Fagax, Siinaay, Nambar Afar, Mirinaayo iyo Daljirka Daahsoon si ay uga hortagaan dibadbaxeyaal boorar iyo calamo sita. Nasiib daro shaqadoodii ahayd in ay dalka iyo dadka ka difaacaan cadowga waa laga weeciyay, waxayna qarka u saaranyihiin in lagu sunto sumcad xumo waligood aan ka harin iyo khaatumo xumo aakhiradooda galaafata hadii aysan isdaba qaban!