Guddiga qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda oo Muqdisho ku kulmay.

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan dhexmaray Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Xuska Maalmaha Xorriyadda 26-ka June iyo 1-da Luuliyo si ay isaga xog-wareystaan halka ay wax u marayaan.

Guddigaan oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa xubno ka ah Wasiirada Warfaafinta, Amniga, Cadaaladda, Gargaarka, Taliyaasha Ciidamada Booliiska, Militariga, mas’uuliyiin katirsan Gobolka Banaadir iyo Hay’adda Nabadsugidda NISA.

Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddigaan waxa uu warbixin ka dhageystay xubnaha la shaqeynaya si loo dhameystiro howlaha kale ee uga harsan waxyaabaha ay qabteen.

26-kii June 1960-kii, Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa madaxbanaani ka qaatay Gumeystihii Ingiriiska, 6-cishe kadib waa 1-dii Luuliyo 1960-dii Koofurta ayaa xorriyad ka qaadatay isticmaarkii Talyaaniga waana maalintii ay israaceen Waqooyiga iyo Koofurta oo halkaas waxaa ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.