Guuxa is bedelka Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka iyo warar ku saabsan xilka qaadistooda

Waxaa soo baxaya guux ku saabsan inuu jiro is bedel qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka dowladda, gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ilo wareedyo ay sheegayaan in loo soo wado Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe)

Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Xijaar ayaa wararku sheegayaan in lagu qanciyay inuu doonto Senetar Aqalka Sare.

Sidoo kale Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa iyana wararku sheegayaan inuu xilka baneynayo, si uu isna u doonto Xildhibaan Golaha Shacabka, gaar ahaan Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax C/qaadir oo muddo damac ugu jiray inuu qaato.

Fahad Yaasiin ayaa la sheegayaa in sababaha uu kursiga Xildhibaan ee Golaha Shacabka u rabo ay tahay inuu helo xasaanad afarta sano ee soo socoto.