Habraaca Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Oo Lagu Dhawaaqay

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Sabti ku dhawaaqay Habraaca Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in Codsiga Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ay bilaabaneyso 10-ka Bishaan, isla markaana ay ku egtahay 13-ka Bishaan November.

Sidoo kale Guddiga ayaa shaaciyay in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ay dhaceyso 14-ka Bishaan oo ku beegan Khamiista soo socota.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Guddiga Doorashada