Halis caafimaad oo ay la kulmi karaan Wariyayaasha ku carara goobaha qaraxyada

“Suxufi ahaan ujeedadaadu waa helidda Xog, Sawirro iyo wax sheekadaada xaqiijin kara, Wariyayaasha waxaa ay la kulmaan dhibaato kala duwan xilliyada qaraxyada”
Bruce David Martin oo ka shaqeyn jiray WWOR-TV.

khasaaraha waxa ay ula sinnaan karaan dadka kale hayeeshee waxaa la sheegayaa in arrintaas mid ka duwan ay ka dhalato goobaha Qaraxyada.

19 Sano kaddib Suxufiyiintii ugu horreeyay ee tagay Xarunta Ganacsiga Mareykanka ee la weeraray 9/11/2001 ayaa hadda la xanuunsanaya cudurka Kansarka.

Wax kale kama aysan qaadin xanuunnadaas,waxaa ay ka qaadeen boorkii faraha badnaa ee ka baxayay goobta ay u tageen in ay war ka soo tebiyaan.

Xilligaas ma aysan dareemeyn, hayeeshee neefsiga ay neefsanayeen inta boorka hawada ku jiray ayaa saameyn taban ku yeeshay caafimaadkooda,waxaana uu isu beddelay Kansar.

Qaar ka mid ah wariyayaashii xilligaas soo tebiyay dhacdadaas ayaa hadda raadinaya magdhow ay ka helaan hay’adihii warbaahineed ee ay u shaqeynayeen,waxaana la arkay ilaa labo codsi oo ay u geeyeen hay’adaha raadiya magdhowga dhibbanayaasha.

Martin, oo 65 jir ah waxaa uu ka midyahay Wariyayaashii ugu horreeyay ee tagay goobtaas 9-September-2001, waxaa uu qabaa hadda Kansarka qeybta loo yaqaanno  Liposarcoma oo ah qeyb dhif & naadir ah.

Wariyayaasha waxaa lagula talinayaa in aysan horay ugu cararin goobaha qaraxyada ama musiibooyinka kale ka dhacaan, si aysan u qaadan boor aysan markaas dhib u arkeyn hayeeshee sababi kara geeri ka dhalata nooc ka mid ah kuwa ugu halista badan cudurka Kansarka.

Isha:CNN