Haweeneey Mar keliya dhashay 10 Carruur Ah & Caalamka Oo laga hadal hayo

Cusbitaal ku yaalla Magaalada Johanesburg Ee Gobolka Gauteng ayaa waxa Haweeneey udhalatay Dalka Koonfur africa xalay ku foolatay 10 Ciyaal ah.

Hore Haweeneey udhalatay Dalka Moroco ayaa aheyd qofka ugu badan ee tiro 9 ah hal mar dhashay.

Hayeeshee Gosiyaame Thamaara oo 37 sano jir ah ayaa 10 ciyaal ah dhashay taas oo noqoneysa midii ugu tarmida badneyd ee caalamka.

Warbaahinta Caalamka ayaa warbixino ka diyaariyey Sheekadaan waxaana ay heleysaa fariimo tahniyado ubadan haweeneydaan 10-ka ciyaalka ah dhashay.

Gosiyaame ayaa hore udhashay Labo Mataano ah oo hadda da’doodu tahay Lix sano jir sida uu tebiyey Warsidaha Pretoria News.