Haweeneey oo noqotay mucjisada sanadkaan kadib markii 73 jir kudhashay mataano

Haweeney 73 jir ah oo ku nool gobolka koonfurta ku yaalla Andhra Pradesh ee Hindiya ayaa waxay dhashay labo gabdhood oo mataano ah.

Dhaqaatiirta waxay sheegeen in hooyada iyo ilmaha ay xaaladdooda wanaagsan tahay.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati waxay sheegtay in ninkeeda oo 82 jir ah ay hadda ka hor ilmo la’aan ahaayeen balse hadda ay heleen labo gabdhood oo mataano ah.

“Si weyn ayaan u faraxsanahay” ayuu yiri Sitarama Rajarao oo ah aabaha dhalay mataanaha.

Waxaa uu sheegay in xaaskiisa ay uur qaaday markii muddo 2 bilood loo bilaabay daweynta ukxaanteeda.

“Marar badan ayaan isku daynay in aan helno carruur, waxaana la kulanay dhaqaatiir badan, maanta, waa maalinkii ugu farxadda badnaa nolosheyda” ayay tiri Mangayamma Yaramati.

Waxay sheegtay in hadda ka hor ay dhibaatooyin kala kulantay dadka deegaanka gaar ahaan in dadka kale laga soocay xita mararka waxay sheegtay in laga hor istaagay ka qeyb galka goobaha bulshada ay isugu yimaadaan maadama aysan wax carruur ah laheyn.

“Waxay ugu oran jireen haweeneydii aan carruurta laheyn”

Sannadkii 2016-kii ayay aheyd markii haweeney u dhalatay Hindiya oo 70 jir ah ay dhashay wiil.