Haweeney ku caan baxday la dagaalanka musuqa oo loo heysto eedeymo wax isdabo marin ah

Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika oo ku caan baxday la dagaalanka musuq maasuqa ayaa iyada lafteyda loo heysta eedeymo wax isdabo marin ah.

Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Koonfur Afrika ayaa ku eedeeyay Busisiwe Mkhwebane in xafiiskeeda uu wado olole siyasaadeed oo aanan loo bogin si ay ugu eexato dadka mas’uuliyiinta musuq maasuqa lagu eedeeyay.

Waxaa ay sheegeen inay haweeneydan ay weerar ku qaaddo siyaasiyiinta daacadd ah si ay waddada ugu xaarto siyaasiyiinta musuq maasuqa loo heysta si ay awoodda dalka Koonfur Afrika u qabtaan.

Toddobaadkan ayay aheyd markii wasiir caan ka ah dalka Koonfur Afrika uu dacwad ka gudbiyay warbixin ay soo saartay haweeneyda u ololeysa ka hortagga musuq maasuqa.

Waxaa uu ku tilmaamay warbixinteeda mid sharic darro ah oo lagu beegsanayo isaga si ay u sameyso qorshe ay Koonfur Afrika ugu celineyso xilliggii muqddiga ahaa oo aysan dalka ka jirin kala dambeyn.

Balse Busisiwe Mkhwebane ayaa beenisay eedeymaha loo jeediyay.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa isku dayaya inuu musuq maasuqa ka ciribtiro Koonfur Afrika kaas oo harreeyay dowladdii ka horreysay ee Jacob Zuma.