Haweeneydii ku dhacday ‘dabinka jacaylka’ oo ka badbaadday dilkii lagu xukumay

Haweeney u dhalatay waddanka Australia, oo horay loogu riday xukun dil ah oo ay ku muteysatay dambi daroogo dhoofin ah, ayaa ku guuleysatay racfaan ay qaadatay.

Maxkamad dhageysaneysay kiiskan ayaa ku dhawaaqday in laga noqday xukunkii dilka ahaa, islamarkaana haweeneydan xorriyaddeeda loo soo celiyay.

Maria Elvira Pinto Exposto, oo 55 jir ah, ayaa sanadkii 2014-kii lagu xiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur, ka dib markii boorsadeeda laga helay 1.1kg (2.4lbs) oo ah daroogada nooca loo yaqaanno crystal methamphetamine.

Waxay mar walba sheegi jirtay in lagu khiyaanay dhoofinta daroogadaas, maadaama ay ku dhacday dabin uu u dhigay qof ku abuuray jacayl been ah.

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Malaysia ayaa hadda aqbashay racfaankii ugu dambeeyay ee ay xukunka dilka ah ka qaadatay Ms Exposto.

Dhawaan ayaa la filayaa in xabsiga laga sii daayo.

‘Arrin indhaha u furtay garsooreyaasha’

Ms Exposto ayaa ku celcelin jirtay inay aaminsaneyd in ay jacayl dhab ah la wadaagtay askari Mareykan ah oo ka howlgalayay waddanka Afghanistan, kaasoo ay magaciisa u taqaannay Kabtan Daniel Smith. Waxay ka heli jirtay sawirro joogto ah, muuqaallo iyo waliba email-lo, hase ahaatee waxaasoo dhan waxaa sameyn jiray qof ay ujeeddadiisu ahayd inuu khiyaano ku sameeyo.

Waxay sheegtay in sanadkii 2014-kii lagu amray inay aaddo magaalada Shanghai, si ay halkaas ugu soo saxiixdo warqado sahlaya inay isguursadaan. Markii ay kasoo tageysay dalka Shiinaha, nin saaxiib la ah “Kabtan Smith” ayaa ka codsaday inay Australia ugu qaaddo hadiyado loogu talagalay munaasabadda ciidda masiixiyiinta ee loo yaqaanno Christmas-ka.

Waxay kusii hakaneysay gegida magaalada Kuala Lumpur, halkaasoo markii ay ka dagtay ay boorsooyinkeeda ku marineysay baaritaanka amniga.

Laakiin saraakiishii howsha baarista sameyneysay ayaa daroogada ka helay mid ka mid ah boorsooyinkeeda.

Qareenka difaacayay ayaa mar walba ku doodi jiray in qof og dambiga uu ku jiro uusan boorsooyinkiisa ku wareejin lahayn saraakiisha baaritaanka iyo canshuuraha.

Ka dib markii ay saddex sano ku jirtay xabsiga, bishii December ee sanadkii 2017-kii ayaa la caddeeyay inaysan lahayn wax dambi ah oo la xiriira daroogo dhoofin, iyadoo maxkamadduna ay aqbashay arrinta ay ku doodeysay ee ahayd inaysan ka warqabin waxa ku jiray boorsooyinkeeda.

Balse xukunkaas ayaa markii dambe la baddalay waxaana lagu riday xukun kale oo dil ah.

Muddo 18 bilood ah oo kale ayey ku qaadatay xabsiga, iyadoo sugeysay in dilka lagu fuliyo, ka hor inta aysan maanta oo Talaado ah maxkamadda federaalka ee dalkaas aqbalin racfaankeeda.

“Racfaankii waa la oggolaaday. Qofka racfaanka soo gudbiyayna waa la siideyn doonaa”, sidaas waxaa yiri madaxa caddaaladda Tengku Maimun Tuan Mat.

Qareenkeeda, oo lagu magacaabo Shafeec Cabdullaahi, ayaa warbaahinta maxkamadda ku sugneyd u sheegay in xukunkan uu yeelan doono saameyn “aad u heer-sarreysa”.

“Wuxuu noqon doonaa mid indhaha u fura garsooreyaasha… arrintan waa tusaale, waana sida haweeney aan waxba galabsanin loogu khiyaanay dhinaca internet-ka”, Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa kasoo xigatay hadalkaas.

Qof walba oo lagu helo qiyaas dhan ugu yaraan 50g (1.75oz) oo daroogada crystal meth ah waxaa dalka Malaysia looga aqoonsan yahay inuu yahay qof daroogada dhoofiya.

Saddex ruux oo u dhashay dalka Australia ayaa horay dil toogasho ah loogu xukumay gudaha Malaysia, ka dib markii lagu helay dambi daroogo dhoofin ah.

Waxay kala ahaayeen Kevin Barlow iyo Brian Chambers oo la xukumay sanadkii 1986-kii, iyo Michael McAuliffe oo la xukumay sanadkii 1993-kii.

Malaysia ayaan hadda fulinin wax dil ah, inkastoo dood laga qabo ka tallaabsiga waajibaadka ku aaddan fulinta xukunka dilka ah.