Horta yaa taageero musharixiinta mucaaradka&CC Shakuur oo xog badan kabixiyay arinkaas

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo shir jaraa’id maanta Saxaafada kula hadlayey Hoteelka Jasiira ayaa waxa uu adkeeyey in Banaanbaxa Jimcaha dhigayaan Shacabka ugu baaqyaaan inay yimaadaan.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Villa Soomaaliya inta ay jawaab cad ka bixineyso Weerarkii lagu qaaday Madaxweynayaashii hore,islamarkaana Jimcihii isaga iyo murashaxiin kale lagu xabadeeyey aan laga aqbali doonin Doorasho dalka la galo.

Waxa uu ku Eedeeyey Farmaajo in uu yahay dambiile,islamarkaana Hadalkii uu Siciid Deni banaanka keenay Siraha qarsoonaa Ee Caadifada Qabaliga ah iyo Doorashada sida uu udiidan yahay.

Cabdiraxmaan C/shakuur ayaa ku Eedeeyey beesha Caalamka inay yihiin kuwo iska indho tiraya Dhibaatada Farmaajo u horseedayo Soomaaliya in la qabto gacmaha.

Waxa uu ugu sheegay in ay ka digayaan wixii dhacay 19-kii Bishaan Ee Rasaas iyo Isku dayo Dil la rabay,isagoo C/raxmaan C/shakuur Warsame sheegay inaysan jirin Cid gaar ah oo taageereysa Hub iyo Dhaqaale,hadalkaas oo umuuqday mid uu ku beeninayey wararka sheegayey in Imaaraat-ka ay Abaabulka Banaanbaxooda taageerayey.

NAGA FILO CODKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR WARSAME