Imaaradka Carabta iyo Qatar oo lacag ku kala bixinaya Farmaajo iyo Rooble xili uu khilaaf u dhaxeeyo

Dowladaha Imaaradka Carabta iyo Qatar ayaa si weyn isha ugu haya khilaafka culus ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Farmaajo iyo Ra’isul Wsaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Qatar oo afartii sano ee la soo dhaafay taageereysay Farmaajo iyadoo u wakiilatay Fahad Yaasiin ayaa hadda ka walaacsan kiiska Ikraan Tahliil oo ka soo bilowday NISA kaa oo laga cabsi qabo in saraakiil katirsan madaxtooyada uu ku soo dhamaado.

Dowladda Qatar ayaa sheegtay iney maalaayiin Dollar ku bixineyso sidii kiiskan loo dabooli lahaa waxaana go’aankaas aqbalay Farmaajo oo qoyska gabadha ka dalbaday iney diyo kabadan mid gabar ay qaataan balse aabaha dhalay Ikraan ayaa sheegay in xitaa aysan qaadan doonin Balaayiin Doller.

Qatar ayaa u aragta in kiiska Ikraan uu bohol ku ridayo dowladda ay taageereysay islamarkaana ay dooneysay in markale ay garab istaagto si uu u soo laabto Farmaajo.

Dhanka kale Imaaradka Carabta ayaa si weyn ugu farxay xilka qaadista Fahad Yaasiin agaasimihii NISA kaa oo laf dhuun gashay ku noqday danaha Imaaradka Carabta iyo Sacuudiga afartii sano ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale Imaaradka ayaa waxa soo noolaatay rajadii uu ka qabay Soomaaliya maadama uu meesha ka baxay ninkii ay ka cabsida qabeen, waxaana xogo aan helnay ay sheegayaan in Malaayiin Doller ay ku bixineyso sidii lagu ridi lahaa Farmaajo iyo Fahad.

Warqaad ma ogaan cida lacagtaas ay ku dhaceyso iyo kuwa kasoo qaadaya balse waxaa jirta daneyn weyn oo Imaaradka Carabta kala dhaxeysa Mucaaradka Farmaajo.

Imaaradka iyo Sacuudiga ayaa sanadkan la aaminsanyahay iney door weyn ku yeelan doonaan doorashada soo socota maadama tii lasoo dhaafay ay gacanta ugu jirtay dowladda Qatar.