In ka badan 20 ruux oo shuban biyood ugu dhintay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu fara ba’an ku hayo dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi iyo deegaanada hoosta ee Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Jalalaqsi  Maxamed Nuur Cagajoof oo waraysi siiyay Warbaahinta Warbaahinta u sheegay  in maalmihii ugu dambeeyey dad gaaraya illaa 22 qof ay shuban biyood ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Jalalaqsi iyo deegaanada hoos yimaada.

Gudoomiyaha  ayaa sheegay in haatan cudurka ay la ild daran yihiin in ka badan 60 qof oo u badan caruur, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaad ee gobolka.

“Shuban biyood ayaa dhibaato nagu hayo geerida waxay saacadaan mareysaa 22 qof, sidoo kale waxaa isbitaalka ku jira todobaatameeyo kale”. ayuu yiri guddoomiyuhu.

Cagajoof oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladda degmada ay aad u adagtay, islamarkaana ay ka jiro macluul iyo nafaqo darro laga dhaxlay fatahadihii u dambeeyey.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi  Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in Xogta warkaan la wadaagay Maamulka Hirshabeelle,oo uu sheegay in ay soo gaarsiiyeen Daawo loogu talagalay dadka ku xanuusan Magaaladda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,hayeeshee loo baahanyahay in wax laga qabto shuban Biyoodka ku dhuftay degmada Jalalaqsi.

Madaxda Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa dowladda ayuu ugu baaqay in ay gurmad deg deg loo fidiyo dadka uu soo ritay cudurka  shuban biyoodka.

Cudurka Shuban Biyoodka ayuu sheegay in uu ka dhashay Fatahaada Wabiga Shabeelle oo dhawaan ku fatahay degmooyinka Maamulka Hirshabeelle ee Bartamaha Soomaaliya.