Is-beddel ka soo ifbaxaya Qorshaha siyaasadda Farmaajo iyo Khayre

Magacaabista afar taliye ciidan iyo duqa caasimada Muqdisho, waxay ka abuurtay baraha bulshada iyo goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka hadal-hayn badan.

Haddaba, ​saraakiisha loo magacaabay xilalka, maxay kaga duwan yihiin kuwa ay jagada kala wareegayaan, maxaase gaar ku ah kooxdan cusub? Waa dooda faallada.

Ma’ahan markii ugu horaysay ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, magacaabo taliyaal ciidan iyo duqa caasimada. Balse, waxa xiisaha gaarka u yeelay magacaabistaan waa waqtiga ay ku soo beegantay, itijaaha siyaasadda xukumadda, iyo sooyaalka taariikh nooleedka saraakhiisha la magacaabay.

Inkastoo siyaasadda arrimaha dibedda, dib-u-habeenta dhaqaalaha iyo ciidamada ay dowladda amaan ku mudatay, haddana waxaa xukuumada culays ku haya amaanka caasimada, madax maamul-goboleedyo u dhaqmaya sidii dowladdo gaar ah, dabindaabyada shisheeyaha (Imaaraadka, Kenya iwm), iyo maqaamka Muqdisho oo noqotay mashruuc ay adeegsadaan danleeda gaarka.

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xajaar  ayaa noqday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya. Waxaa uu aqoonta ciidanka ku qaatay dalka gudahiisa iyo dibeddiisa, sida wadamada Mareykanka iyo Jarmalka.

Balse kornayl Cabdullahi Cali Macow, oo ka tirsanaan jiray NSStii Soomaaliya, haddana madax ka ah Machadka Cilmi-baarista Amniga ee Soomaaliya,​ ayaa su’aal geliyay sababta ay xukuumada u door-biday in xilkan u dhiibto Jeneraal Xajaar. Kornayl Macow, wuxuu rumaysan yahay in taliye Xajaar gacmihiisa nadiif ka ahayn ku xad-gudub xuquuqda aadamaha.

Intaas wuxuu raaciyay, inuu ​taliye (mas’uul) ka ahaan jiray NSSta magaalada Hargaysa sanadihii 1978, 1987, iyo 1988. Waxuuna xusay in loo tababaray howlaha sirdoonka, isla-markaasna magacaabista ay astaan u tahay in la caburiyo mucaaradka (Radio KNN – August 23, 2019).

Waxaa xusid mudan in eedahaas maxkamadi aysan xukumin, caddeyna uma hayso wargeyska jamhuriyadda. Waxayse dad badan xasuusan yihiin in xilligii uu taliye Xajaar madaxda ka ahaa hawlaha nabadsugida Hargaysa ay aheed xilli ururkii SNMta dagaalo kula jireen xukuumadii Madaxweyne Maxamed Siyaad.

Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska – maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa noqday Taliyaha Ciidamada Asluubta.

Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn u barteen Jeneraalka, kaalintii uu ku lahaa dajinta rabshadihii ka dhashay xarigii Mukhtar Robow, iyo khilaafkii soo kala dhex galay xukuumada iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM – Nicholas Haysom, xilligii ay socotay doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan waxuu isticmaalay erayo aad u adag, isagoo la hadlayey shacabka ku dhaqan Baydhabo, waxaana uu yiri “dhib Xamar yaala Baydhabo ha keenin, dhib duurka yaalana Baydhabo ha keenin. Qolyo ayaa dhahaya laandheere ayaan ahay. Haddaad laandheere tahay, anaa kaa laandheereysan [dowladda], kun askari ayaan haystay, kun kale ayaa la iigu soo daray. Ee edeb yeesha nabadda ha la ilaaliyo.”

“Nuxurka khudbadaas, waxay ahayd sugida amniga inaan lagu barxin siyaasad, wuxuuna si cad u qeexay shaqada Booliiska,” sidaas waxaa yiri khabiir dhanka amaanka ah.

Jeneraal Ismaaciil Yuusuf Raage (odawaa), ayaa noqday Taliyaha XDS. Waa 32 jir ciidanka ka mid ahaa 13 sano. Waxuu tababaro ku soo qaatay wadamada Ugaandha iyo Turkiga. Waxuu aqoon u leeyahay hoggaaminta ku dagaalanka magaalooyinka, iyo ilaalinta madaxda. Waxuu ku taqasusay hoggaaminta ciidanka lugta, isagoo uga soo baxay Kuliyada Ciidamada eeTurkish – Army War College, sanaddii 2014.

Dad badan oo aqoon u leh Jeneraal Odawaa, waxay ku sifeeyeen inuu yahay ruux u jajaban howlaha ciidanka, isla-markaasna xiiso gaar ah u qaba ka mid ahaanshaha ciidamada, kuna haboon hoggaaminta ciidanka xilliga dagaalka. Waa taliye jecel ku dhex jirka ciidanka.

Saraakiishii hore ee ciidamada waxaa loo tababaray sida ay ciidamo dhisan oo ay dowlad leedahay weerar loogu qaado ama difaac loogu sameeyo. Balse dagaalka Alshabaab lagula jiro, wuu ka duwan yahay kii ay yaqiineen saraakiishii hore ee XDS.

“Marka la eego da’diisa, iyo khibradiisa dagaalka magaalooyinka, waxay ciidanka XDS ka caawinaysaa inuu si sahala uga itaal roonaado kooxda Al-shabaab, waa haddii ciidamada loo dhammaystiro baahidooda,” sidaas waxaa rumaysan sarkaal hore uga tirsanaa XDS.

Duqa Caasimada Muqdisho waxaa loo magacaabay Cumar Maxamud Maxamed (Finish). Haddaba Cumar Finish maxaa lagu sifeen karaa, maxa​yse xukuumada ku xulatay?

Cumar Finish waxuu xubin ka ahaan jiray ururaddii hubeysnaa ee qaybta ka ahaa dagaaladii sokeeye, sida USC, SSA. Sanadii 2006 waxuu xubin ka noqday ururkii Isbahaysiga dib u soo celinta nabadda iyo la-dagaallanka argagixisada (ARPCT) oo dagaal la galay Midowgii Maxaakimta Isaamiga (ICU).

Inkastoo xubin baarlamaan uu noqday, misana dadka reer Muqdisho waxay ku xusuustaan dagaaladii uu qaybta ka ahaa ee sababay barakac, dhimasho, iyo dhaawac dad rayid ah.

“xukuumada waxay heshay shaqsi ku haboon oo aamusin kara siyaasiyiinta aan xishoon oo xeerinaynin xeerarka, iyo shuruucda dalka. Markay timaado maqaamka Muqdisho, balse dhanka kalsoonida shacabka lama ​tixgelin,” sidaas waxaa rumaysan falanqeeye codsaday inaan magaciisa la adeegsan.

Magacaabistani, waxay ​ku soo beegantay maalintii Mudane Axmed Madoobe dib iskugu doortay madaxtooyada Jubaland, dowladda Kenyana ku taageertay iyadoo madaxda mucaaradku daba safan yihiin. Sidaa daraadeed, magacaabistani waxaa laga dheehan karaa in siyaasaddii ay xukuumada kula dhaqmaysay mucaaradka ee sabsabaalintii iyo dulqaadka ahayd meesha ka baxday.