James Swan oo canaantay Qoor Qoor iyo kulan kale oo dhexmaray isaga iyo Heidi Johansen.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan.

Qoorqoor iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga iyo horumarinta Galmudug gaar ahaanna, mashaariicda horumarineed ee hay’adaha qaramada midoobay ay ka wadaan Galmudug.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Muqdisho kula kulmay Ergayga Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Johansen.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay howlaha horumarinta Galmudug iyo Mashaariicda kale ee Dowladda Norway ay ka wado Galmudug iyo sidii loo ballaarin lahaa.