James Swan Oo hadal Ka Duwan Xukuumada Soomaaliya Shaaciyey

Ergayga gaar ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, ayaa soo dhaweeyay guddida Doorashooyinka ee ay magacaabeen Jubbland iyo Puntland.

Hadalkaan ayaa Swan waxa uu ka sheegay Magaalada Jowhar Ee Caasimada Hirshabelle.

Swan, ayaa tallaabo wax ku ool ah ku tilmaamay go’aanka labadaasi maamul ku magacaabeen guddiyada Doorashada.

Dhinaca kale James Swan, ayaa soo dhaweeyay kulanka xukuumadda Federaalka iyo maamul gobolleedyada ee Puntland iyo Jubbaland ku baaqeen.

Hadalka Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya iyadoo Dawladda Federaalku sharci-darro ku tilmaantay hannaanka loo soo magacaabay guddiyada Doorashooyinka ee Jubbaland iyo Puntland.