Jimicsiga la sameeyo ka hor quraacda oo gubaya sonkorta

Quraacda ma waxay ku haboontahay Jimicsiga kahor mise kaddib? Wa dood socotay sanado badan.

In quraacda ka hor aad jimicsataa waxa ay hoos u dhigeysaa ama ay gubeysaa sonkorta, waxayna jirka siineysaa awood dheeraad ah iyo inaad shaqeyn karto waqti badan, sidoo kale waxay ka ilaalineysa daalka iyo dawakhsananta.

Daraasad kooban oo ay sameyeen machadyo ku yaalla UK oo lagu sameeyay 30 qof oo rag ah ku waaso jimcsi sameyay ka hor inta aysan quraacan ayaa lagu ogaaday in jirkoodu uu gubay Sonkorta islamrkaana ay u suuro gashay in ay shaqeeyaan waqti dheer iyagoo aan dareemin wax daal ah.

Daarasadda intii lagu jiray ayaa waxaa loo qeybiyay 2 kooxood: kooxda sameysay jimcsiga ka hor quraacda ma aysan lumen wax miisaan ah sonkortooduna waxaa ku dhacday gubasho, halka kooxda quraacda kaddib jimicsiga sameysayna oo kordhahy miisaankooda wax kale oo isbedel dhanka sonkortooda ahna kuma imaan sida lagu xusay daraasadda.

2017-tii daraasad kale oo ay sameysay Bath University oo iyaduna lagu sameeyay dad gaarayey 10 qof isla natiijadan oo kale ayaa soo baxday.

Ugu dambeyn darasadda ayaa talo ahaan u soo jeedisay islamrkaan boorrisay in la sameeyo jimcsi ka hor inta aan la qaadan cunnada subaxa hore.