Jubaland oo Wajahaysa Xaaladihii Ugu Xumaa Tan Iyo Markii Maamulka La’aas aasay ‘Warbixin’.

Maamul-Gobleedka Jubaland ee Soomaaliyeed, wuxuu galay xaalad hubaal la’aan ah, is riix-riix siyaasadeed iyo jawi loolan doorasho oo shalow ka tuuraya nabadii yareyd ee lagu haystay magaalada Kismaayo.

Walaaca dadku ay qabaan, waa inay magaalada marti-geliso dagaalo sokeeye iyo deris colaadtama. Taasoo dadka degan ay marqaati ka ahaayeen foolxumadeed sanado badan oo la soo dhaafay.

“Waxaanu Kismaayo ku haysanay, nabad aan heshiis lagu ahayn siday ku timid, weli waxaa jira dad cadaalad darro tirsanaya, boobka dhulka iyo faraq-ka-buuxsashada hantidii ummada ka dhaxaysay, canshuur aanan dadka loogu adeegin, kalo xigsashada maamulka,” sidaas waxaa yiri Oday Xasan, oo sababo amni awgood magaciisa runta ah u qarinay. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “nabadda Kismaayo taala waa mid ku timid cabsi iyo ismaquunin, taasina ma noqon karto mid sii jiri karta waqti dheer.”

Guddiga doorashada, oo soo saaray sharuudo iyo jadwal aan farax gelinaynin musharixiinta loolanka kula jira Mudane Axmed Maxamed Islaam -Madoobe, ayaa ah xudunta khilaafka Maamul-Goboleydka Jubaland.

Dhanka kale, waxaa olole colaad hurin ah wada jaraa’idka ka soo baxa dalka Kenya! Waxay dadaal ku bixinayaan sidii shaati qabiil ugu labisi lahaayeen waxa ka socda Kismaayo.

Wargeyska Daily Nation, waxuu daabacay July 31, 2019 qormo ceeb ku ah sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Jubooyinka. Qoraha maqaalkan Nyambega Gisesa, ayaa isticmaalay erayo aan ku haboonayn “anshaxa saxaafada,” kuwaas oo hurin kara colaad qabiil.

Khubarada siyaasadda gobolka, waxay ku macneeyeen inay ujeedaddu tahay seddax sababood: (B) Inay indhaha Soomaalida iyo tan beesha caalamka ka jeediyaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Kismaayo, si aan loo sixin khaladaadka jira; (T) Inay muujiyaan baahida loo qabo joogitaanka ciidamada Kenya ee gobalada Jubooyinka, ayagoo welwel ka qaba dhimista lacagtii Midowga Yurub ku bixin jiray joogista ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM; iyo (J) Sidii joogitaan waqti dheer ah ay ciidamadooda ugu heli lahaayeen gobolada Jubooyinka, si ay laf-dhuun-gashay ugu noqdaan horumarka dowladnimada Soomaaliya, kuna ilaalshadaan masaalixdooda dalka.

Qiyaastii 4,000 oo askarta Kenyaan ah ayaa qayb ka ah Howlgalaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom). Midowga Afrika wuxuu doonayaa dhammaan ciidammada inuu kala baxo ilaa December 2020, laakiin Kenya waxay doonaysaa dib-u-dhac (Business Daily August 19, 2018).

Dilkii Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), waxuu abuuray walaac xaga amniga. Suldaan Dure, waxuu ka mid ahaa salaadiinta dhaqanka ee magaalada Kismaayo sida weyn looga yaqaano.

Si aan leexleexad lahayn, waxaa dilka durbadiiba Maamulka Axmed Madoobe dusha u saariyey kooxda Al-Shabab, isla-markaasna sheegeen inay bilaabeen baaritaan.

Balse waxaa jira su’aalo ku gadaaman dilka Suldaan Rashiid Dure cidda ka danbaysa, sida: (1) Kooxda dilka loo saariyey oo ilaa iyo hadda aan sheegan. Walow taasi ay tahay dhaqan aanan hore loogu aqoon argagixisada; (2) Dilka oo lagu gaystay qori AK-47 ah, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. Walow ay taasi tahay hab-dhaqan aanan hore looga baran Alshabaab. Waayo, falalka ay keli-keliga u fuliyaan waxay adeegsadaan bistoolado; iyo (3) Suldaan Rashiid Dure, waxuu ka mid ahaa Madax-dhaqameedyada aan la dhacsaneen hanaanka Axmed Madoobe doonayo in loogu soo xulo wakiilada Golaha Shacbka Jubaland.

Arrimaha Jubaland ugu degdegta badan waxaa ka mid ah, inaan maamulka loogu dulqaadan jebinta sharciga doorasho hufan oo xur iyo xalaal ah.

Haddaba, su’aasha taagan ee jawaabta u baahan ayaa ah booliiska Kismaayo ma leeyihiin aqoonta baarista falkan oo kale ah, iyo tan ugu muhiimsan oo ah ma ka madax-banaan yihiin Siyaasadda! Suldaan Rashiid Dure, ma heli doona cadaalad. Nabad la’aan, dimuqraadiyad ma jiri kartaa!

Dhanka kale, Xildhibaan Xidig, oo ka mid ah xubno u taagan doorashada hoggaanka Jubaland, ayaa kulan Kismaayo ka dhacay ka sheegay inaysan jiri doonin in qof kaligiis isku caano-shubi kara. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “waxaan dhisaynaa guddiga doorashada. Xulitaanka baarlamaanka, oo ay soo xuli doonan odayaasha saxda ah” (YouTube August 3, 2019).

Inkastoo, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si cad u sheegtay sida ay doonayso inay wax u saxdo, isla markaasna ay soo saartay qoraalo waafaqsan hanaanka dowladdnimada, haddana weli kumaysan dhicin dhagaha Mudane Axmed Madoobe, labo sababood awgood: (B) Isagoo isku halaynaya taageerada Kenya, taasoo ka dhigan ‘Giirooy Geyskayga ku Daaq,’ (T) Isagoo ay ka dhaadhici la’dahay taladu waa wadaag, ayna ugu wacan tahay isagoo ka haray hoggaamiye kooxeedyaddii dalka rafaadiyey, welina joogga deegaankii uu ka jabhadeen jiray, asagoo weliba ah keli taliye!

Ilo xog-ogaal ah, waxay sheegayaan, in dowladda dhexe qaaday talaabooyin xaga diblumaasiyadda ah, si aysan ugu dhicin fadeexaddii Baydhabo mid la mid ah. Xukuumadda waxay la wadaagtay wakiiladda Beesha Caalamka hanaanka iyo qorshaha qaran, ee ku wajahan doorashooyinka Galmudug iyo Jubaland.

Beesha Caalamka waxay bogaadiyeen hawsha maamul u sameynta Galmudug, isla-markaasna waxay balan-qaadeen inay xukuumadda kala shaqeen doonaan sidii Jubaland uga dhici laheed doorasho dadka deegaanka raali ka yihiin, waafaqsanna qorshaha qaran iyo shuruucda dalka.

Ciidanka Midowga Afrika (AMISOM), waxay u xilsaaran yihiin inay dowladda kala shaqeeyaan sugida nabadgelyadda. Taasaa keentay inay Axmed Madoobe u diraan wafti saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha AMISOM – Tigabu Yilma, kuwaasoo si cad ugu sheegaan waxa uu yahay hawsha loo igmaday ee ay dalka u joogaan. Taasi waxay keentay inay ogolaysiiyaan Axmed Madoobe labo qodob: (1) Goobta doorashada lagu qabanayo; iyo (2) Inay ciidanaka AMISOM oo kaashanay booliiska degmada u xilsaaran yihiin sugida goobta doorashada lagu qabanayo.

Sidoo kale, waxaa Axmed Madoobe dhowr jeer la kulmay safiiro, iyo dublamaasiyiin si ay ula wadaagaan walaacooda ku aadan doorashada Jubaland, waxaa haatan ku sugan Kismaayo wafdi ka socda urur goboleedka IGAD, Wafdigan waxay Axmed Madoobe kala hadlyaan sidii meesha looga saari lahaa shuruudaha gudiga doorashada soosaaray ee khilaafka abuuray.

Balse, waxaa meesha ka maqan doorkii bulshda rayidka, taasoo dad badan ay u fasirteen inay yihiin dhaliil sheeg oo keliya halkii ay toosin iyo sixitaan samayn lahaayeen! (Kor waayeel, waa wada indho!)

“Dhismihii maalmulka Jubaland, waa mid ku yimid si degdeg oo caadifad ku jirto, waana tan keentay inuu hano qaadi waayo, maanta waxaa la joogaa waqtigii la sixi lahaa waxii horay u qaldamay, si dadku u wada dareemaan inuu maamulka koodi yahay,” sidaas waxaa yiri Cigaal oo wax ka qora siyaasada Gobolka.

Shacabka Soomaaliyeed, waxay Sanduuqa Codbixinta  kula xisaabtami doonaan Codkooda, doorashada qaran ee soo wajahan, siyaasiyiinta caadaystay hagardaamaynta iyo carqaladaynta hanaanka dib-u-dhiska dowladdnimadda Soomaaliya. Ogow ” Waxaad Dhitaysto, waa Dhigaalkaa.”

W/Q Saciid Cabdisalaam