Kaartada Cusub Ee Villa Soomaaliya dejisey Si Ay ugu guuleysato Doorashada Dalka

Qof walbo waxa uu ka dhursugayaa Doorashada Soomaaliya ka Dhaceysa iyo halka ay ku biyo shubato.

Inkastoo labo jeer dib udhacay hanaankii wax loo diyaariyey oo habraacii la dejiyey ma dhaqan gelin.

Shakiga ay qabaan xildoonka Xukunka Dalka ayaa korortay taas oo la leeyahay in waqtiga Doorashada dib udhici karto.

Qorshaha socda hadda waa in Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho,Saraakiil ciidan,Xubno ku jira Maamulka Gobolka Banaadir,Wariyeyaal iyo siyaasiyiin Villa Soomaaliya taageersan laga dhigo Xildhibaano.

Fahad Yaasiin oo qudhiisa Xildhibaan raadinaya ayaa tartan adag kursiga ugeli doono,iyadoo hadii uu soo baxo ka dhigan in Awooda Doorashada Soomaaliya 2020/2021 ay heli karaan.

Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ruclo orod dhankooda ugu jira inay soo laabtaan balse daqiiqadaha udambeeya ayey wax walbo isbadeli karaan.