Kabihii lagu dhex daray dhiigga bani’aadanka shirkadda sameysay oo looga guuleystay dacwad

Shirkadda kabaha iyo dharka ciyaaraha sameysa ee Nike ayaa ku guuleysatay kiis maxkamadeed oo ay ka gudbisay shirkadda kale ee lagu magacaabo MSCHF kaddib markii uu muran ka dhashay kabo lagu dhex sameeyay dhiigga bani’aadanka oo run ah.

Kabahaas ayaa halkii joogba lagu iibinayay lacag dhan $1,018 (£740), waxaana lagu tilmaamay inay yihiin “kabaha sheydaanka”.

Laakiin shirkadda Nike ka carootay in dib u farsameyn lagu sameeyay kabaheeda, iyadoo aan wax fasax ah laga qaadanin.

MSCHF ayaa markii ay kabahaas soo saartay la kaashatay fannaanka Lil Nas X oo ugu dhex xayeysiiyay heestiisa oo soo baxday dhawaan.

Waxay shirkaddu sheegtay in ay ilaa hadda sameysay 666 joog ookabahaas ah ayna dhammaantood iibisay marka laga reebo hal joog oo kaliya.

Mas’uuliyiinta Nike ayaa ku doodayay in meel looga dhacay sharcigeeda ganacsiga, waxayna maxkamad uu fadhigeedu yahay magaalada New York ka dalbatay in MSCHF laga hor istaago suuq geynta kabahaas, maadaama ay asal ahaan iyaga leeyihiin.

“MSCHF iyo kabaheeda sheydaanka ee aan loo fasixin waxay jah wareerinayaan macaamiisha ku xiran badeecooyinka ay soo saarto Nike,” ayaa lagu yidhi warqadda codsiga ah ee loo gudbiyay maxkamadda.

Qareennada u doodayay MSCHF ku andacooday in 666-da joog ee la sameeyay “aysan ahayn noocii caadiga ahaa, balse shaqo gaar ah laga qabtay farshaxanna lagu kordhiyay”.

Garsooraha maxkamadda heer federaalka ah ayaa Khamiistii soo saaray xukun uu ku taageeray shirkadda Nike, wuxuuna amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo hakiyo farsamada kabahaas.

Lama oga saameynta uu xukunkaas yeelan karo, maadaama shirkadda MSCHF ay bidhaamisay in aysan qorshaha ugu jirin soo saarista kabo noocaas ah oo dheeraad ah.

Satan Shoes

XIGASHADA SAWIRKA,MSCHF

Kabaha midabkoodu isugu jiro madowga iyo casaanka ayaa markii Isniintii lasoo bandhigay waxay ku soo aadeen daah furka heesta cusub ee Lil Nas X, ee loo bixiyay Montero (Call Me By Your Name), taasoo Youtube-ka lasoo galiyay maalintii Jimcada.

Inta ay heesta socotay ayuu fannaanka kusoo qaatay waxyaabo kabaha la xiriirinaya “inuu leeyahay sheydaan”.

Ninke ayaa markii ay dacwadda gudbineysay maxkamadda u sheegtay inaysan ka war qabin dhalan rogista lagu sameeyay kabaha astaantooda caanka ah wata.

Muran iyo hadal heyn ballaaran ayaa ka dhashay kabahan. Dhanka kale, waxaa la cambaareeyay tallaabada ay Nike maxkamadda ugu gudbisay dacwadda.

McKenzi Norris

XIGASHADA SAWIRKA,BBC OS ON WORLD SERVICE RADIO

Joseph Rasch, oo kabahaas markii la suuq geeyay hal joog ku iibsaday $1,080, ayaa sheegay in uu walwal ka qabo muranka kabahaas ka dhashay. Wuxuu ka cabsi qabaa in lacagtiisa ay khasaarto.

“Waxaan rajeynayaa inaan helo kabahaas, maadaama aan lacagtooda bixiyay,” ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay BBC-da. Wuxuu intaas ku daray in sababta uu u iibsaday aysan ahayn inuu xirto balse uu damacsan yahay inuu sii iibiyo.

Sidoo kale McKenzi Norris oo isagana kahabaas iibsaday ayaa sheegay in kiiska maxkamadeed ee Nike uu culeys ku noqday qorshaha uu ku doonayay inuu kabahaas kusii iibiyo lacag dhan $2,500 oo doolar.