KASHIFAAD: Lacagta uu Deni ku maalgeliyay mooshinka Dhooba Daareed oo la helay

Madaxweyne Deni ayaa si rasmi ah waxaa loo xaqiijiyey in uu maalgeliyey mooshinkii xilkaga looga qaadey afhayeenkii Golaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiim Dhoobo.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda ayaa Badweyn Online u xaqiijiyey in Deni uu ku bixiyey mooshinkan aduun lacageed dhan tobban milyan oo Doollar-ka Mareykanka.

Lacagtaas ayaa todobaadkan soo gaartay Garowe, waxaana baaritaan aynnu ku wadnaa halka ay ka timid oo waddan weyn ah.

Deni iyo Dhooba Daareed ayaa khilaafkooda ahaa mid meel adag gaarey isla markaana wax xal ah laga gaari waayey.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqataneysa in Deni uu ku guuleystay qorshihiisii, wallow laga dhigayo xiisad ka dhalata arrintaan.

Dhooba Daareed ayaa lagu waramayaa in la qorsheynayo in la geliyo xabsi guri, taas oo xiisada meeshii ugu sareysay gaarsiin karta.