KASHIFAAD:Villa Soomaaliya oo wadada qorshe ka dhan ah Senator Faroole

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa bilowday abaabulka qorshe ka dhan ah Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland.

Faroole ayaa wuxuu haatan ka tirsan baarlamaanka Aqalka Sarre ee dowladda federaalka ah ee Soomalaiya.

Balse Xildhibaankan ayaa nan mar qura soo xaadirin fadhiyadda Golaha, taas oo Villa Soomaaliya damacsan tahay in ay ku oor kacsato.

Qorshaha Nabad iyo Nolol ayaa wuxuu yahay in ay mushaharka ka joojiso mudanaha kadib kusoo eedeyso xil gudasho la’aan.

Tani ayaa ka dambeysay markii uu fashiliyey Faroole qorshe ay Madaxtooyaddu dooneysay in ay ku iibsato baarlamaanka Puntland.

Villa Soomaaliya ayaa xiriir la sameysay afhayeenkii Golaha, Cabdixakiim Dhooba Daareed, kaasi oo haatan xilka laga qaadey.