Kenya iyo Uganda oo ku heshiiyay in ay wadaagaan Jasiirad ay ku muransanyihiin {Akhriiso}

Dowladaha Kenya iyo Uganda ayaa isku afgartay in ay wadaan Jasiiradda Migingo ee ay milkiyaddeeda sheegtaan labada dal.

Ciidamada Uganda ayaa gacanta ku haya jasiiraddan,waxaana ay u diidi jireen Kallumeysatada Kenyaanka ah in ay u dhawaadaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in dowladaha Kenya iyo Uganda ay kala saxiixdeen is afgarad ay ku wadaagayaan Jasiiradda,taas oo Kalluumeysatada Kenyaanka ah u ogolaaneysa in ay ka kalluumeystaan iyaga oo aan qatar la kulmin.

Juma ayaa la weydiiyay in Kenya ay ka tanaasushay milkiyadda jasiiraddan oo ka tirsan Gobolka Migori ee dalka Kenya,ayaa waxaa ay ku jawaabtay “waa in Kenyaanka maskaxda ku hayaan in midnimada dhulkooda aan wadahal laga galeyn”.

Jasiiraddan oo 3km gaareysa ayaa waxaa xoog ku heysta Ciidamada Dalka Uganda oo u diiday Kenyaanka in ay ka agdhawaadaan.

Kenya waxaa uu muran Badeed kala dhaxeeyaa Soomaaliya,iyo Tanzania,waxaana midda ugu weyn tahay Soomaaliya oo kiiskoodu uu yaallo Maxkamadda ICJ.

Maxkamadda ICJ ee gacanta ku heysa kiiskan haddii ay u xukunto Soomaaliya waxaa ay Kenya si toos ah dacwad ula geli doontaa Tanzania oo uu muran badeed ka dhaxeeyo.

Isha:Daily Nation