Kenya oo dishay Al-Shabaab damacsanaa in uu weeraro munaasabad uu ka qeybgalay Kenyatta

Booliska Kenya ayaa shaaca ka qaadey in ay fashiliyeen weeraro qorsheysan oo ay Al-Shabaab damacsaneyd in ay ka fuliso waddankaas.

Weeraradaas oo ragii abaabulayey la toogtay ayaa la damacsanaa in lagu beegsado munaasabad uu ka qeybgala Uhuru Kenyatta.

Damaashaadka oo mid sanadle ah ayaa waxaa lagu qabtay magaalooyin kala duwan, waxaana aad loo adkeeyay nabad-gelyadda guud.

Ciidamadda ayaa xusay in ay ku raad-joogaan xubno kale oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo doonaya in qaadeen howlgalo dhiig badan ku daato.

Sikastaba ha ahaatee, Kenya ayaa la daalaadhaceysa weeraro kaga imaada Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeeda soo galeen Soomaaliya.