Khiyaano ku hoos duugan damaca Kenya ee xukuumadda Soomaaliya iyo Laba talo oo la siiyay RW Rooble

Socdaalka RW Rooble uu ku tagayo Nairobi-Kenya iyo booqashadii Xoghayaha arrimaha dibadda Kenya waxaa jira khatar ku gadaaman oo u baahan xeelad iyo maskax looga gudbi karo.

Muhiimadda Dawladda Kenya waa sidii cimri dheeraysi ugu heli lahayd kiiska badda, waxaana jirtay dhawr mar oo ay dawladda Kenya isku dayday in ay saxiixyo u hoosgaliso mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dawladihii dalka soo maray.

Sida laga dheehan karo wargaysyada dawladda Kenya waxaa ay qoraaladooda ku qeexayaan ama ciwaano uga dhigayaan, ajendaha wadahadalada Soomaaliya iyo Kenya waa muranka badda, sidaas darteed waxaa la gudbeen RW Rooble laba arrimood oo kala ah.

1- In labada dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya ay shaaciyaan in wadahadaladooda aanay qayb ka ahayn  kiiska yaala Maxkamadda Hague ee Badda, waloow warmurtiyeedkii ka soo baxay labada wasiir arrimo dibaded aanay ku qeexnayn wax la xiriira arrimaha badda, haddana waa muhiin in hab cod ama qoraal ah kor loogu sheego.

2- In RW wafdigiisa ay qayb ka noqdaan sharciyaqaano iyo siyaasiyiin aqoon durugsan u leh arrimaha dublamaasiyadda, ishana ku hayaan qoraal kasta oo loo gudbinayo RW Soomaaliya.

Waxaa kale oo muhiim ah in siyaasiyiinta iyo warbaahinta Kenya ee u weecinaya wadahadalada arrimaha badda looga digo.

Waxaan hubaa in ay muhiimad gaar ah u leedahay SooMaaliya soo celinta xiriirkii dublamaasiyadeed iyo ganacsi ee ay la lahayd dawladda Kenya, iyo dhamaan dawladdaha caalamka, balse waxaa ay Kenya dheer tahay xeelado siyaasadeed oo ay ku hoos qarinayso arrimaha heshiisyada ay soomaaliya la galayso.

Muqdisho-Soomaaliya

W/Q: Xasan Cadde