Kooxo Hubeysan Oo Caawa Labo Dhalinyaro Ah Ku Dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan Xaafada Suuqa Xoolaha ku dileen labo Wiil o dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka deegaanka.

Labada dhalinyaradda ah ee la dilay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Ismaaciil iyo Maxamed, waxaana la sheegay in ay halkaasi ku lahaayeen Studio iyo Footo Sawiradda lagu galo.

Raggii dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, kahor inta aysan halkasi soo gaarin Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada ruux.

Ciidamada ammaanka ayaa baaritaano ka Sameeyay xaafada uu dilka ka dhacay,mana jirto Cid falkaasi dilka ah loo soo qabtay oo la shaaciyay.