Kufsiga iyo dilka loogeystay wiilkan … Sidee loola dhaqmayaa dembiileyaasha?

Waxaa baraha bulshada dalka Morocco harreeyay xanaaq dadweyne oo ka dhashay dhacdo naxdin leh oo ku saabsan wiil yar oo la kufsaday ka dibna la dilay.

Cadnaan Boshoof oo 11 sano jir ahaa ayaa la waayay, waxaana dad ugu war dambeysay Isniintii, xilli uu ku sugnaa gurigooda oo ku yaalla deegaanka Tangiers ee dhaca galbeedka Morocco.

Ka dib maqnaanshaha Cadnaan, waxaa kameerooyinka qarsoon lagu arkay wiilka yar oo uu la socdo nin. Waxaa markaas loo diray farmashi si uu hooyadii uga soo iibiyo dawooyin.

Shacabka Morocco ayaa si weyn uga carooday dhacdadan, laamaha amniga dalkaas na waxay Sabtidii shaaciyeen in Cadnaan meydkiisa la helay.

Bayaan ka soo baxay waaxda qaran ee arrimaha amniga Morocco ayaa lagu sheegay: “Ninka lagu eedeeyay kufsiga wuxuu wiilka ugu yeeray qol uga kireysnaa agaagaarka guriga Cadnaan, wuxuuna ku kufsaday halkaas, ka dibna wuu dilay, wuuna aasaay mayda.”

Warbaahinta gudaha oo soo xiganeysa ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga ayaa tebiyay in ninka lagu eedeeyay kufsiga oo 24 sano jir ah uu tegi jiray maqaaxi ay lahaayeen qoyska Cadnaan, taasina ay muujineyso in wiilka iyo ninka ay isgaran jireen.

Cadho xooggan

Dhacdadan waxaa si weyn uga carooday shacabka Morocco. Durbadiiba, dadka u ololeeyo arrimaha bulshada rayidka ayaa bilaabay olole ay ka wadaan warbaahinta gudaha iyo baraha bulshada oo la doonayo in Cadnaan uu helo dacaalad.

Waxayna dadka baraha bulshada ku qorayaan # Adnan_Bushov.

Sida looga hortagi karo kufsiga?

Waxaa isa soo tarayaa baaqa ah in la “daldalo” dambiilayaasha tacaddiyada u geysta carruurta iyo kuwa kufsiga ku hayo carruurta.

Dadka Twitter-ka adeegsada ee Morocco waxay bilaabeen olole ay ku raadiyaan in hal malyan oo qof ay saxiixaan dalab ay soo jeediyeen, si loo daldalo ninka kufsiga geystay halkii lagu xukumi lahaa xabsi daa’iin, sida ay sheegayaan dadkaas.

Dadka qaarkoodna waxay ka hor imaadeen codsigaas.

Waxaana dadkaas ka mid ah, nin u doodo xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo, Axmed Assiid, kaas oo rumeysan in daldaalada kuwa kufsiga geysta aysan ka hortagi karin falalka kufsiga ah balse “loo baahan yahay wadahadallo dhab ah in la yeesho si xal loogu helo ka hortagga falalka kusiga halkii laga doodi lahaa codsiga ah in la dilo dambiilaha isla markaana la jarjaro meydkiisa”.

Sharciga Morocco wuxuu dhigayaa in qofkii lagu helo kufsiga carruurta uu muteysan karo hal sano ilaa shan sano oo xarig ah, halka kiisaska aadka u xunna uu qofka ku muteysan karo illaa 20 sano oo xarig ah.

Xeerka dambiyada ee 474-aad ee dalka Morocco wuxuu dhigayaa in dambiilayaasha wax qafaasha ee dil na geysta, la daldali karo balse xukunka dilka ah waxaa laga joojiyay Morocco sannadkii 1993-dii.

Inkasta oo ay sharciyo ka jiraan dalkaas, dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka waxay dowladda ku eedeynayaan in ay ka gaabisay wax ka qabashada dhacdooyinka la xiriira kufsiga iyo tacaddiyada ka dhanka ah carruurta.