Labo Askari Oo Goordhaweyd lagu toogtay Muqdisho xilli ay…

Dableey ayaa waxay maanta barqadii ku dileen Degmada Waaberi labo askari oo katirsanaa Ciidanka Dawlada.

Kooxda dilka geysatay ayaa bistoolado ku hubeysnaa Dilka kadibna waa ay baxsadeen.

Dilka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Suuqa Beerta oo ah meel mashquul badan oo khudaarta lagu iibiyo.

Meydka labada askari ayaa meesha laga soo qaaday daqiiqado kadib xaalada muddo ayey hakad gashay waxaana ay kusoo noqotay mid caadi ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo askar ciidamada amniga katirsan lagu Dilo Gudaha Magaalada Muqdisho.