Lafta Gareen oo ku laabtay Baydhabo, kana baxay gacanta Farmajo

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Lafta Gareen ayaa ku fashilmay inuu waan waan dhex dhigo Farmaajo iyo Rooble kadib markii waan-waan maalmihii u dambeeyay ka socotay magaalada Muqdisho ee lagu xalinay khilaafkaas ay natiijo la’aan ku soo idlaaday.

Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa Mudisho ka dagay Khamiistii, xilligaas oo khilaafka hoggaamiyeyaasha uu aad usii xoogeystay.

Waan-waanta oo maalmihii u dambeeyay socotay ayaa waxa hormuud ka ahaa madaxda mamaul goballeedyada Koofur galbeed iyo Galmudug kuwaas oo ku dadaalayay in xal laga gaaro khilaafkaan iyo xiisadda ka dhalatay hase yeeshee waxay u muuqataa in aaney wali ka gaarin natiijo la taaban karo.

Laftagareen ayaa u muuqda inuu kabaxay gacantii Farmaajo islamarkaana uu isku dhiibay Ra’isul Wasaare Rooble iyadoo ay xusid mudantahay in Laftagareeen loogu baaqay inuu wax ka raadiyo cadaalad u helidda kiiska.