Lafta gareen Oo Taleefoon Ku Wacay Deni & Madoobe (Jawaabta Uu Helay)

Sida ay Badweytims Ogaatay waxaa Xiriir uu taleefoonka ku wacay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubbaland,waxaana soo baxaya warar dheeraad ah.

C/casiis Lafta gareen oo Siciid Deni markii hore wacay ayaa waxa uu ka dhageystay Cabashada gaarka ah Ee Puntland Qabto.

Sidoo kale Axmed Madoobe Ayuu wacay uu sidaas si la mid ah udhageystay wax tabashada Dawlada Dhexe iyo Doorashada uu ka qabo.

Intaas kadib Madaxweyne Lafta gareen ayaa Xubno ka ag Dhaw madaxtooyada Baydhabo waxay noo sheegeen in uu Siciid Deni iyo Axmed Madoobe Ka codsaday inay soo magacaabaan Xubnaha Guddiga Doorashada Heer Maamul Ee Iyaga weli aan lasoo magacaabin.

Balse Warar hoose ayaa sheegaya in isku soo dhawaanshiyo jiro inkastoo is afgarad uusan ka keenin Lafta gareen Xal ka gaarista Madaxdaasi u careysan Villa Soomaaliya.

Waxaa laga yaabaa in War ay soo saaraan Jubbaland iyo Puntland oo ay ku diidayaan ama ku ogolaanayaan soo jeedintii Lafta gareen Ee Soo magacaabida Xubnaha Guddiga Doorashada.

Dawlada ayaa Isbuucaan bilowgiisii shaacisey in Wakhti kale oo Luma aysan heysan oo Doorashada sida ugu dhakhsiyaha badan loo guda geli doono.