Lataliye Hore Xasan Kheyre Oo Saadaaliyey Qoor qoor In Xilka Weyn doono

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa hadda la kulmaya Cadaadisyo dhinacyo badan leh.

Waxa deegaano katirsan Galmudug kusoo laab laabtay dagaal beeleedyo dhiig la iskaga daadiyey.

Lataliyihii hore dhinaca Warfaafinta Xukuumadii Kheyre Ee dhacday Bilo ka hor Cali Nuur Salaad ayaa saadaaliyey in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor uu jawiga siyaasadeed ee dalka ka jira uu ku waayi karo Xilkiisa.

Waxa uu Cali Nuur Salaad sheegay in ay muuqato ka hor doorashada dalka ka dhaceysa uu cadaadisyada muuqda uu dareemayo in Hogaamiyaha Galmudug Tareenka ka dhici karo.

Qoor qoor ayaa madaxtooyo Cusub ka sameystay Muqdisho oo kulamo uu muddooyinkii lasoo dhaafay ka waday,xilli Galmudug qeybo ka mid ah ay dagaal beeleedyo ka socdaan.