Maalinta loo asteeyay doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo laga digay sabab jirta aawadeed!

Doorashada Madaxtinnimada Somalia ayaa loo asteeyey inay qabsoonto 10-ka Oktoobar ee soo aaddan, taasoo dhacaysa kaddib doorashada labada aqal ee Baarlanka dhexe oo kasoo horrayn doona.

Waxaa arrinataas qeylo dhaan ka muujiyay Dr Xabeeb isagoo sheegay in maalintaasi ay ku beegan tahay maalin dunida laga maamuuso cudurrada dhimirka.

Dr. Xabeeb oo duleedka Muqdisho ku haya meel ay ku jiraan dadka dhimirka ka xanuunsanaya ayaa sheegay inay ”jug culusi ku dhacday” markii uu maqlay in 10-ka Oktoobar loo asteeyay inay qabsoonto Doorashada Madaxweynaha Somalia.

Wuxuu tilmaamay in 10-ka Okt., ay tahay maalin u gaar ah dadka dhimirka ka xanuusanaya oo caalamka oo idil laga maamuuso maalintaasi oo la yiraahdo World Mental Health Day.

Dr Xabeeb ayaa Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madax goboleedyada ka codsaday iney ka badalaan maalinkaas oo ay taariikh kale ka dhigtaan.

Waxa uu Xabeeb dhanka kale sheegey hadii lagu adkeysto in saameyn aan wanaagsaneyn ay ku yeelan doonto dowladda xiligaas dhisanta balse ma uusan cadeyn waxa ay tahay saameynta.

Muqdisho-Somalia