Madaxda Federaalka, DG & Gobolka Banaadir oo labo Cishe kadib markale kulmeysa.

Maanta oo Arbaco ah waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisiyooni lagu wadaa in uu ka dhaco Shirka wadatashiga oo u dhaxeeya Madaxda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir si xal ay uga gaaraan qabsoomidda Doorashooyinka ay ku heshiiyeen 17-kii September 2020.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xooggan saareysa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland oo khilaafka gaarka ah ee ka dhex jira uu sababay dib u dhaca qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa Badweytims  u sheegay in maalmo kooban Shirka looga soosaarayo ajende ay ku mideysan yihiin Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Jubbaland Axmed Madoobe, Galmudug Axmed Qoor-Qoor, Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen, Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.

Shirka maanta wuu ka duwan yahay kulankii 3-da & 4-ta April qabsoomay oo dood adag & is marin waaga madaxda uu sababay buuq balse wakiilada Beesha Caalamka oo kor kala socda wadahadalka Teendhada Afisiyooni ee xeendaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxda ayaa maanta ka doodeysa sida laga yeelayo qodobada sababay khilaafka xooggan ee uu ka dhaqangeli waayay Jadwalka Doorashada ay u dejiyeen 1-dii October 2020 maalmo kadib markii ay heshiiska ka gaaraan nuuca Doorasho, goobaha lagu qabanayo & qaabka ay isaga kaashanaan Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir