Madaxda taabacsan Farmaajo oo waji gabax kala kulmay Beesha Caalamka kadib kulan deg deg ah…

Waxaa xalay uu kulan ku dhexmaray Xerada Xalane Madaxweynayaasha dawlad Goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay wadahaladii ugu dambeeyay ee doorashooyinka Afisiyooni kuwaa oo xukuumadda Federalka ay sheegtay inuu fashilmay kadib markii Farmaajo uu diiday inuu tanaasulo.

Saddexda maamul goboleed oo taabacsan Farmaajo ayaa xogo aan helnay waxa ay sheegayaan  in ay dacweeyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyagoo ku eedeyey in ay ka danbeeyeen fashilkii shirka.

Lafta Gareen, Qoor Qoor iyo Guudlaawe  ayaa codsaday  in la fasaxo oo ay deeganadooddii ku noqdaan maadaama in muddo ah ay Muqdisho joogeen islamarkana aan guul laga gaarin shirkii doorashada.

Beesha Caalamka ayaa saddexdaas Madaxweyne goboleed ku wargelisay in aysan safri karin, sidoo kale ilo ku dhaw dhaw shirka ayaa wax ay inoo xaqiijiyeen in Beesha Caalamka ay Berri la  kulmi doonaan  Deni iyo Madoobe dhinac ah, iyo Farmaajo si ay u dhagaystaan dooda dhinacyda oo idil.

Beesha Caalamka ayaa markaan u muuqata iney qaadaneyso doorkeeda hogaamineed ee doorashada dalka waxaa loo sheegay maamulada xalay la kulmay  haddii ay safraan in loo aqoonsan doono qaswadayaal.

Mogadishu-Somalia