Madaxii Gaadiidka Amiin Ambalaas Oo Caawa Lagu Xiray Gudaha Muqdisho

Ciidamada Dawladda Soomaaliya ayaa caawa maqribkii kadib waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen Dr Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan oo ah Madaxa Gaadiidka Gurmadka deg dega ah ee Amiin Ambulance.

Dr Cabdulqaadir ayaana ciidanku ka kaxeysteen Maqaayadda Isbageeti oo ku taalla agagaarka Isgoyska Banaadir Ee Magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda lama oga waxa keenay in la xiro Dr Cabdulqaadir.

Laamaha amniga weli kama aysan hadlin waxa sababay in loo xiray Sargaalkaasi dhinaca Samafalka caan ku ah.