Madaxtooyada Puntland oo amar ku aadan soo dhaweynta Saciid Deni ee Garoowe u dirtay mas’uuliyiin kala duwan

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garoowe inuu ka dago madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo maalmahan safar danahiisa qaaska ah oo madaxtinimada Soomaaliya ku joogay wadamo ay kamid yihiin Kenya.

Saciid Deni ayaa  wax natiijo ah aan kala soo laaban kulamada uu ka sameeyay magaalooyinka Nairobi iyo Dubia isagoo waji gabax kala kulmay qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay

Waxaa yaab leh in Madaxtooyada Puntland  ay ku amartay dhamaan wasiirada iyo Agaasimayaasha inay iska soo xaadiriyaan Garoonka diyaaradaha ee Garowe si loo soo dhaweeyo Madaxweyne Deni.

Fariin qoraal ah oo Whatas App loogu diray  Mas’uuliyiinta ayaa lagu amray in 10:30 barqanimo imaadaan garoonka oo ay saf dheer u galaan sidii loo soo dhaweyn lahaa Saciid Deni xili ay suuragal tahay in mas’uuliyiinta ay shaqo heystaan ama caruurtooda ay xaasaskooda ay la ciidayaan.

Dhaqanka noocaan ah waa waxaa Soomaaliya ugu dambeysey dawladdii kaligii taliska ee Maxamad Siyaad Barre taa oo lagu yaqiinay fagaaraha soo dhaweynta iney sameysato oo dad badan feel la geliyo si madaxweynaha uu u gacan qaado.

Waxaa muuqata in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu lumiyay kalsoonidii mas’uuliyiinta maamulkiisa isagoo horay u lumiyay mida shacabka Puntland oo aad u dhibsaday siyaasad xumadiisa.