Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo arrimo muhiim ah kala hadlay Safiirka Ingiriiska

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magaalada Muqdisho uu kulan la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjire Foster ayaa ka wada hadlay mashaariicda Dowlada Ingiriiska ugu tala gashay deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan dhismaha xarumaha madaxtooyada, baarlamaanka iyo airportyada.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay muhiimada ay leedahay hirgalinta golaha deegaanka ee degmooyinka oo waxtar badan u leh bulshada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo maalmihii la soo dhaafay ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu wadaa kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo wakiilada Beesha Caalamka iyo saamileyda siyaasadeed, kuwaas oo uu kala hadlayo arrimaha doorashooyinka.