Madaxweynaha Jubbaland oo ku wajahan Magaalada Dhoobleey & Ciidamo badan oo la geeyay

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayana in halkaasi saaka laga dareemayo safar la filayo in Madaxweynaha Jubbaland uu ku tago Magaalada Dhoobleey ee Gbolkaasi Jubbada Hoose.

Axmed Madoobe oo la filayo in safar dhinaca dhulka ah in uu ku tago Dhoobleey ayaa waxaa safarkiisa ku wehlin doona Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno kale.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in markii uu Axmed Madoobe tago Magaalada Dhoobleey uu kulamo la qaadan doono Maamulka Magaalada Dhoobleey sidoo kale uu booqan doono Saldhigyada Ciidamada Jubbaland.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Saraakiisha Ciidamada uu kala hadli doono howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab iyo inay adkeeyaan ammaanka deegaannada uu gacanta ku haayo Maamulka Jubbaland.

Booqashadaan uu Madaxweynaha Jubbaland ku tagayo Magaalada Dhoobleey ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ay ka jirto xiisad u dhaxeysa Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland.