Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo Salaada Ciida la dukaday Boqolaal Shacab ah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye  ( Qoor Qoor) ayaaMaanta boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug  kula tukaday Salaada Ciida masjidka INJI ee Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa shacabka ku dhiirrigeliyey in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo xoojinta amniga & midnimada umadda Soomaaliyeed si dalka uu u gaaro horumar iyo amni.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa salaada ciida kula tukaday boqolaal shacab ah iyo madax kala duwan  aqalka madaxtooyada Hirshabeelle ee Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabeelle inay iscaawiyaan oo ay caawiyaan dadka daadku qaaday, agoonta iyo danyarta ah eek u nool degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.

Guud ahaan Gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn looga Ciiday Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, iyada oo Madaxda dowladda & Dowlad Gobleedyda ay u hambalyeeyeen Shacabka Soomaaliyeed.