Madaxweyne Farmaajo oo lumiyey awoodihii yaraa ee ugu harsanaa dowladda

Haddii ay jirto hal dhaqan oo aan ku baranay madaxweyne Farmaajo afartii sano ee uu xilka hayey, waa siyaasadda qar iska tuurnimada ah, iyo go’aanada aan laga fiirsan ee uu qaato kadibna kusoo noqda.

Kasoo bilow dhiibiistii Qalbi-dhagax, dekadihii loo saxiixay Ethiopia, askartii la geeyey Eritrea, illaa isku daygii muddo kororsi ee fashilmay, Farmaajo caan kuma ahan go’aan qaadasho saxan.

Waxa uu mar kale ayuu toddobaadkan sidaas sameeyey kadib markii uu soo saaray amar uu isugu dayey inuu ku xakameeyo awoodaha fulinta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, inkasta oo uu ogaa inuusan sharciyad u heysan.

Farmaajo ayaa wareegto ku sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aan leex-leexad laheyn ugu jawaabay Farmaajo, una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, sida ku cad qodobka 97-aad ee dastuurka.

Maxaa dhacay kadib?

Qoraallada ay isugu jawaabeen Farmaajo iyo Rooble, waxaa xigay in Rooble uu Talaadadii u amba-baxay dalka Kenya, halkaasi oo uu heshiisyo ay ka mid yihiin dib usoo celinta xiriirka diblomaasi kula galay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Tallaabada uu Rooble qaaday intii uu ku sugnaa Mombasa, waxay ka dhigan tahay inuu qoraal ahaan iyo ficil ahaanba ugu gacan seeray isku daygii uu Farmaajo doonayey inuu ku xakameeyo.

Kaaga sii daran’e, waxaa la filayaa in Rooble marka uu dalka kusoo laabto uu si rasmi ah dib ugu fasaxo qaadka Kenya ee la keeni jiray Soomaaliya, oo uu Farmaajo xayiray, si xubno ka tirsan qoyskiisa ay dalka u keenaan qaadka Ethiopia ugana faa’iideystaan.

Maxay uga dhigan tahay Farmaajo?

In amar uu soo saaro la diido, waxay Farmaajo ku tahay dhaawac weyn oo soo gaaray awooddiisa fulineed, aadna u wiiqeysa in hadda iyo wixii ka dambeeyo amarkiisa uu dalka ka shaqeeyo. Sidoo kale waa bahdil shaqsiyeed oo uu ku sameeyey naftiisa iyo kursiga madaxweynenimo.

Diidmada iyo ficillada Rooble waxay si cad u muujiyeen in awoodda ugu sarreysa dalka uu maanta isaga leeyahay, kadib markii toddoba bilood kahor ay Farmaajo uu ka dhammaaday muddo xileedkii sharciyadda siinayey.

Way adkaan doontaa in amar dambe oo kasoo baxa Farmaajo, oo aanu Rooble raali ka aheyn uu dalka ka shaqeeyo inta ka harsan doorashada madaxweynaha cusub, waa haddiiba uu Farmaajo ku dhiirado mar kale.

Maxaa Farmaajo ku qasba siyaasadaha qalafsan?

Siyaasadaha iyo go’aanada qar iska tuurnimada ah ee marka uu Farmaajo qaato, waxaa loo aaneeyaa laba cilad oo ay adag tahay in xal loo helo.

Ciladda koowaad, waa Farmaajo oo madax adag, oo mar walba rabitaankiisa uu ka weyn yahay danta guud iyo waxa saxan. Ciladda labaadna waa la-taliyeyaasha ku hareereysan iyo kuwa xeendaabkiisa ku jira, oo aan awoodin inay u sheegaan marka uu qaldan yahay, balse ku raaca uguna sacab tuma go’aan kasta.

Xitaa markii uu Farmaajo go’aansaday muddo kororsigii fashilmay, waxaa la-taliyeyaashiisa ay u sheegayeen inay dagaal ku qabsan karaan Muqdisho oo ay haystaan ciidan ka fulin, ayaga oo ag in xaqiiqda ay taas ka duwaneyd, balse ay ka aheyd oo kaliya in dhegaha Farmaajo ay ku dhibciyaan erayo ay maqalkooda ku raaxeysanayaan.

Waxaan hadda sugeynaa siyaasadda xigta ee qar iska tuurnimada ah ee uu qaato Farmaajo haddana dib ugu soo laabata.