Madaxweyne Farmaajo oo Siyaasi caan ah u Magacaabay La Taliyihiisa Arrimaha doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa La Taliyihiisa arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda u magacaabay Cabdi Cali Raagge oo ah Siyaasi caan ah oo ka mid saaxibada aadka ugu dhowaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa u xaqiijiyay Badweyn.com in Mr Cabdi Cali Raagge loo magacaabay La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Siyaasadda.

Tani ayaa muujineysa in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay doorasho dad-ban, maadaama uu ninka uu u magacaabay arrimaha doorashooyinka uu yahay nin horay uga soo shaqeeyay Farsamooyinka doorashooyinkii Jubbaland iyo tii Federaalka, waxaana laga yaabaa inuu uga mid noqdo Guddiyada Farsamo ee DFS iyo Dowlad Goboleedyada ee ka baaraan-dagi doona nooca doorasho ee dalka ka dhaceyso.

Cabdi Cali Raagge ayaa lagu tilmaamaa farsama-yaqaan galaangal badan leh, waxaa uu ka mid ahaa Guddiyadii Farsamo ee ka soo shaqeeyay doorashadii dad-baneyd ee sanadkii 2016.

Bishii April ee sanadkii 2019 ayay markii Axmed Madoobe uu xilka ka qaaday Cabdi Cali Raagge oo ahaa La Taliyihiisa sare ee Arrimaha Siyaasadda, xil ka qaadistaas ayaa salka ku heysay howlihii doorashada Jubbaland, waxaana Mr Raagge ka mid ahaa raggii ugu horreeyay ee ka hor-yimid Axmed Madoobe.