Madaxweyne ku faanay in uusan tuug aheyn hadana uu heesto hanti badan

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo maanta dadweyne badan oo taageersan kula hadlay magaalada Kampala ayaa ku faanay in uu yahay in daacad ah oo ka fog tuugnimo iyo musuq maasuq.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Museveni in uusan waligiis qofna wax ka xadin sidoo kale uu yahay qof heesta hanti badan oo ku filan, waxa uuna weerar ku qaaday dadka musuq maasuqa hantida ka sameeya.

”Weligay qofna waxba kama xadin mana ihi qof sabool ah, dadka musuq maasuqa sameeya ayaa ah kuwa ugu xun maxaa yeelay waxa ay ku taajirayaan lacag aysan shaqaysanin,’ ayuu yiri Madaxweynaha dalka Uganda.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa talada dalkaasi hayay mudo aad u fog , waxaana marar badan uu sheegay in uusan sameyn musuq maasuq taa badalkeeda uu si weyn ula dagaalamo musuq maasuqa .