Madaxweyne Qoor-qoor oo garsoorka Galmudug uga digay Cadaalad darro.

Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa Hay’adda Garsoorka uga digay in cadaalad darro ay ku dhaqaaqdo maadaama mas’uuliyadda ugu weyn ay ka saaran tahay u kala garsooridda dhinacyada eedaha kala tirsanaya.

Qoor-Qoor ayaa cadaalad darro dad lagu qanciyo in dalka ay u horseeday dhibaatooyinka uu kasoo kabanayo, waxaana uu ka dalbaday mas’uuliyiinta Garsoorka gacanta ku haya in ay tusaale ka dhigtaan Shareecada Islaamka & Dastuurka.

“Cadaalad darro ama xumaan dad lagu qanciyo mid ay ahaataba waan soo barangay waana aragnay sidaas awgeed ku dhega sida uu sharciga qabo, Hay’adaha Dowladda, Xukuumadda, Baarlamaanka, Gobollada & Degmooyinka waxa aan ka dalbanayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha garsoorka” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor waxa uu soo jeediyay in kiisaska dadka baahiyaha gaarka qaba si gaar ah oo waafaqsan Qaanuunka loo qaado iyada oo laga fogaanayo in si gaar ah garab istaag loo muujiyo.

“Waxaa jiri kara dadka Baahiyaha gaarka ah ama daruufaha qaba, iyagane sida sharciga uu qabo ula tacaamula, laga yaabee in ay ku adag tahay meelaha loo maro sharciga balse waxaa loo baahan yahay in loo naxariisto iyada oo aanay sharciga la baalmareyn” Waa sida uu yiri Madaxweynaha DG Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor Madaxweynaha DG Galmudug waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uu ku howlan yahay hirgelinta Xabsiyo ku habboon in lagu xiro dadka la xukumo iyo kuwa xukun sugayaasha ah.