Magaalo ay ku nool yihiin labo ruux oo labaduba xirta afsaar (Sawiro)

Magaalo ku taal dalka Talyaaniga ayaa waxaa ku nool labo nin kuwaasoo xirta labadaba afxirka loogu talogalay kahortagga cudurka Covid-19.

Giovanni Carilli iyo Giampiero Nobili waxa ay xirtaan marwalba oo ay kulmaan maskaraha wajiga waxayna isu jirsadaan illaa hal mitir iyadoo aysanba jirin cid kale oo kula nool magaalada Nortosce.

Carilli oo ah 82 jir iyo Nobili oo 74 sano jir ah ayaa dareemaya inay ka feejigan yihiin cudurkan safmarka ah ee galaaftay illaa 37,000 oo ruux oo Talyaani ah.

“Waxaan aad uga baqayaa cudurkan,”ayuu yiri Carilli oo la hadlayay CNN. “Haddii aan xanuunsado,waa kaligey,yaa I xanaaneynaya,”ayuu sii raaciyay.

Dadka u dhashay dalka Talyaaniga ayaa waxaa qasab ku ah inay kala fogaadaan illaa hal mitir iyo inay xirtaan afxirka ciddii ku xadgudubtana waxaa la ganaaxaa lacag u dhexeysa $470 illaa $1,170.

Nobili ayaa dareemaya in ay xushmad darro tahay in aan la raacin amarada dowlada waxana uu sheegay in xirashada afxirka iyo kala fogaanshaha aysan ahayn oo kaliya arrimo caafimaad.

Labadan ruux ee kaligood halka magaalo ku nool marka ay kulmaan ayaa waxa ay labada dhinac ka kala fariistaan miis weyn iyagoo raacaya amarka kala fogaanshaha.