Magacyada Labo Nabadoon Oo Lagu Dilay Maanta Suuqa Bakaaraha

Waxaa Maanta Duhurnimadii Lagu dilay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Labo Oday Dhaqameed iyadoo dilkooda ay Xaalada Amni sii xumeeneysaa.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa dilka fuliyey iyagoo ka baxsaday meesha ay wax ka dhaceen Dilkaasi markii ay geysteen.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Meydka Markii dambe Marxuumiinta laga qaaday halka lagu khaarajiyey.

Waxa lagu Kala magacaabi jiray Axmed Muxumud Aadan & Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar iyadoo dilkooda cida fulisey aan la ogeyn.

Sidoo kale waxaa toogasho Askari kuwa Canshuurta qaada ah lagu dilay Maanta Degmada Wadajir Ee Muqdisho,Maanta keliya xamar 7 Qof oo Shan Ay Askarta Dawlada ahaayeen.