Mahad Salaad Oo Halis Kusoo Wajahan Hawiye Banaanka Keenay

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee siyaasiyiinta Hawiye lagu beegsaday.

Waxa uu si gaar ah tacsida iyo dhaawaca inuu caafimaad urajeeyey Xubnaha la beegsaday Ee Mudulood ka sokoow uu ka digay Halis kale oo kusoo wajahan kuwo kale.

Waxa uu Xildhibaanku sheegay inay ka war hayaan qorshe Dawlada Dhexe Xubno katirsan damacsan yihiin inay ku dilaan dadka waxgalka ah ee Muqdisho kadibna Ay Al Shabaab sheegtaan.