‘Mas’uulkeyga ayaa ii oggolaaday inaan anigu go’aamiyo mushaarkaan ku shaqeynayo’

Cecilia Manduca oo 25 jir ah waxay ku shaqeysaa qaabka “adigu iskaa u go’aanso waxa aad ku shaqeyneysid”. Si kale haddii loo dhigana waa shaqaalaha oo go’aansanayo dhidikooda mushaarka u qalma iyo waxa ay ku shaqeynayaan.

Gabadhan waxay go’aansatay bishi iney ku shaqeyso £7,000 oo gini, taasoo mushaarkeeda sanadki ka dhigayo £37,000 oo gini.

“Shaki badan ayaan ka qabay inaan dalbado mushaarkaasi,” ayey tiri mar ay u warramaysay barnaamij ka BBC Radio 5.

“Dad badan ayaan kala hadlay. Waana ogaa iney shaqadeyda isbaddashay. Waana ogaa inaan bartilmaameedki aan lahaa aan kor u dhaafay.”

“Waan ogaa marka lacagtaasi laga fiiriyo guud ahaan mushaaraadka dalka laga bixiyo inaan mushaarkaasi u qalmay. Balse shaki aad u badan ayaan dreemayey maadaamaa ay ahayd wax igu cusub mar walbana dhaleeceyn aad kala kulmi kartid, balse waxaad farxad dareemeysaa markaad hesho waxa aad dooneysid” ayey tiri.

“Marka aan saaxibbadey si hoose ula hadlay isla-markaana ula tashtay, waxay i siiyeen tala ah inaan lacagtaasi aan u qalmo in la i siiyana aan mudanahay.”

Shirkadda ay u shaqeyso ee GrantTree waxay gacan ka geysataa ganacsiga UK sidi ay maalgelin dowladda uga heli lahaayeen, dhammaan 45 qof ee shaqaalaha ee u shaqeeyana waxay u oggolaatay qof kasta mushaarki uu ku shaqeyn lahaa inuu isagu go’aansado, iyaga oo weliba marwalba mushaarkooda dib u eegis ku sameyn kara waxna ka beddeli kara.

Mushaarkaada adigu goaami waa dhiirragelin cusub oo ay shirkadaha qaar billaabeen si ay u soo jiitaan shaqaalaha halabuurka leh si uu u soo jiito mushaarka ay xoriiyadda u siinayaan inuu isagu go’aansado waxa uu doonayo inuu ku shaqeeyo.

‘Cidna ma diidin’

Maraxladda mushaar go’aansashada shirkaduhu waa ay ku kala duwan yihiin.

Shaqaalaha u shaqeeyo shirkadda GrantTree waxay marki hore radinayaan xogta la xiriirto dadka iyaga la midka ah ee shirkadaha kale u shaqeeya iyo shirkadda ay rabaan iney u shaqeeyaan mushaarka ay awooddo iney bixiso, ayey tiri Cecilia oo BBC Radio 5 u warrameysay.

“Adiga oo xogta aad heshay ka duulaya waxaad soo bandhigeysaa mushaarka aad isleedahay waan ku shaqeyn karaa saaxibbadaana wey kula eegayaan”, ayey tiri Cecilia.

qaarka mid ah shaqaalaha GrantTreeLahaanshaha sawirkaGRANTTREE
Image captionShaqaalaha GrantTree waxay iska caawiyaan iney dib u eegis ku sameeyaan mushaaraadka ay qaataan

“Tani aad ayay muhiim u tahay, sababta oo ah saaxibbadaa waxna ma oggolaan karaan mana diidi karaan oo iyagu wax ma go’aamiyaan. Balse waxay kaa weydiinayaan su’aalo fikirkooda ayayna ka dhiibanayaan”.

Markaa kaddib ayuu qofka shaqaalaha ah go’aansanayaan mushaarka uu ku shaqeynayo.

“Muhiimadduna waxay tahay kama dhigno cid walba wey kuu ansixineysaa, mar haddii aad go’aansato mushaarka aad ku shaqeynaysid waa taa waa hadda dhacay,” ayey tiri.

Wixi soo kordha

Cecilia waxay sheegtay laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda GrantTree si iskood ah iney u go’aansadeen iney mushaarkooda dhimaan kaddib marki uu isbeddel ku yimid waajibadki shaqo ee ay hayeen.

Wakaaladda CIPD oo ka shaqeysa arrimaha shaqaalaha waxay BBC u sheegtay iney tallaabadan tahay mid abuureyso cadcadaan dhinaca mushaaraadka ah.

Xoghayaha Charles oo ah madaxa shirkadda software firm Pod Group, wuxuu sheegay nidaamka inuu yahay mid si deggan u meel maraya.

45 shaqaala ah oo u shaqeeyo waxay iskood u go’aansadeen mushaarki ay muddo laba sana ah ku shaqeyn lahaayen, iyo mushaar kordhinta guud oo noqonaya 10%

‘Muashaarkaas ma u qalantaa?’

Qof ka mid ah shaqalaha Pod Group haddii uu doonayo inuu kordhisto mushaarkiisa wuxuu ku wargelinayaa agaasimaha waaxda shaqaalaha oo ay ka shaqeeyaan 6 shaqaale oo db u eegista mushaaraadka ka tala bixiyo.

Shaqaalaha qaarkoodna waxayba weydiiyaan shirkadaha mushaar aad uga sarreeya kan caadiga ah oo ay qaataan dadka iyaga la midka ah ee shirkadaha kale ka shaqeeya.

Mushaarka waafaqsan miisaaniyadda

Tom Hardman oo ah madaxa howlgalka shirkadda Smarket oo ay u shaqeeyaan 120 shaqaale ayaa shaqaalaha waxay go’aansadaan mushaaraadka ay ku shaqeynayaan. Sida shirkadda saleeyaan.

“Tan ugu muhiimsan ee shaqaalaha looga fadhiyo ayaa waxay tahay mushaarka inta uu soo bandhigin ka hor inuu iswafajiyo miisaniyadda shirkadda iyo iney mushaarkaasi bixin karto iyo inkale,” ayuu yiri.

Tom HardmanLahaanshaha sawirkaTOM HARDMAN
Image captionTom Hardman shaqaalahiisa wuxuu ka dalbadaa iney mushaarkooda ku saleeyaan miisaaniyadda shirkadda

Dagaalki oo dhammaaday

Wakhti xaadirkan, nidaamkan u oggolaanaya shaqaalaha iney mushaarkooda iyagu go’aansadaan ayaa ah mid xaddidan oo ku kooban shirkado dhinaca farsamada ka shaqeeyo.

Balse haddii arrintan lagu guuleysto, waxay noqoneysaa mid sii baahdo, waxaana la filayaa iney soo afjarto caadooyinka xunxun ee lagu caadeystay goobaha shaqada ee ka soo horjeedo nidaamka ah inaad saaxibbadaa mushaarkaada kala tashato.

“Saaxibbada aad kala tashaneyso waxay xog kaa siinayaan inaad mushaar ka hooseeyo shaqada aad qabaneysid aad dalbatid iyo inaad hesho mushaar u qalmo dhididkaada iyo shaqada aad qabaneysid.

“Xaqiiqatan inta badan arrintan kama dhacdo shirkadaha oo dhan markasta oo aad mushaarkaada gorgortan u galeysid oo aad isku dayeyso inaad hesho mushaar sare ma aha mid sahlan iyada oo ay jiraan shirkado iyo shaqsiyaad isku dayaya iney kuugu qanciyaan inaad ku shaqeyso mushaar aad u yar.”